Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 26, 2018, 03:11:56 PM

Title: Maskaxda Caruurta Iyo Dhibaatada Shaashadaha.!
Post by: SomaliDoc on August 26, 2018, 03:11:56 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shaashadda.jpg)

Bismillah,

Waxaan maanta casharkaan kaga hadlaynaa arrin aad muhiim u ah, taasoo dhibaato weyn ku haysa bulshadeena, waana caruurta ad u daawato Tv-yada iyo shaashadaha moobeelada.


Badanaa waalidiinta dhib uma arkaan inay caruurta ku soo toosiyaan kuna jiifiyaan daawashada shaashadaha iyagoo iskaga aamusinaya, ama cunno ku siinaya ama guriga nadaafaddiisa ku ilaashanaya, laakiin ma is weydiiyaan dhibka dhaw iyo midka fog ay caruurtu ka dhaxli karaan arintaan? su'aashaan ayaan si faahfaahsan qoraalkaan uga jawabi doonnaa insha'llah.

Dhibaatooyinka ay caruurtu ka dhaxlaan daawashada shaashadaha:

Khaladaad u gaar ah qoysaska qaar:


Goormee la ogolyahay in TV Caruurtu daawato?

Talada SomaliDoc:
Arintaan waa dhibaato jirta, waalid walbane wuu dareensan yahay dhibka haysto intuu la eg yahay, laakiin si loo joojiyo waxay u baahan tahay go'aan adag iyo dulqaad. cunuga inuu kaa xanaaqo ama qeyliyo ama guriga uu ku ciyaaro ayaa kaaga roon in aad korsatid cunug maskax ahaan dhiman, taasoo ku reebi karto raad joogto ah, markuu weynaadane uu yeesho dabci gooniyow oo adiga iyo bulshada ka go'.

Waxaan isku dayay in casharkaan aan soo koobo, wax badane waan ka tagay, laakiin haddii aad halkaan akhris ku soo gaartay waxay tilmaan u tahay inay dhibaatadaan ku haysato, xalne aad raadinaysid ee fadlan go'aankaaga ku adkayso, caruurtane Alle ha kuu xifdiyo. Aamiin