Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaale on April 16, 2017, 07:52:27 AM

Title: Su'aal: Daal & jir xanuun markaan xaaska u tago?
Post by: Shaale on April 16, 2017, 07:52:27 AM
Dr. Waan ku Salaamay

Waxan idiinka mahad celinayaa sida aad mar walba ugu heegan tihiin in aad su'aal kasta oo la idin soo weydiiyo dadka somaliyeed uga haqab tirtaan waana idiinka mahad celinayaa

Waxaan doonayaa in aan Dr weydiiyo arin aan in mudo ah isku arkayey, marka aan Xaaskayga u Galmoodo Waxaan la kulmaa Daal ,jir xanuun lafa xanuun ,waxaan DR kaa codsanayaa bal in aad arintaas iga jaahil saartid adiga oo mahadsan

Fiiro gaar ah Waxaan  guursadey Laba Xaas midna Caruur iima dhalin ,waxaana la igu sheegay cilad dhinaca Shahwada ah arintaasina way jirtaa

NB Ma lihi wax balwad ah anigu ,sida sigaar ,qaad iyo waxyaalo kale sidaas darteed waxaan la kulmay dahaqaariir badan  ciladaydii way garan waayeen waxaanse is leeyahay kii garan lahaa arintaada weli alle kulama kulmin
Yusuf
Title: Re: Su'aal: Daal & jir xanuun markaan xaaska u tago?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2017, 08:54:50 PM
Sida dabiiciga ah raggu waxay dareemaan daal iyo hurdo markay xaasaskooda u tagaan, laakiin hadduu daalku yahay mid aan dabiici ahayn, qofkuna uu dareemayo murqo xanuun iyo dikaan lafaha ah badanaa waxaa keeno dhowr shay oo kala ah:
1- In qofka uu horay u daalnaa dhinac jir ahaaneed iyo mid nafsiyadeed.
2- In nafaqo darro ay jirto, qofkuna ay ku yar tahay fitamiinada qaar.
3- Inuu jiro xanuun jirka tamarta ku yareynayo khaasatan cudurrada raago sida infekshanka IWM.
4- Inuu jiro xanuun murqaha daciifiyo ama awooda ku yareeyo sida xanuunka thyroid-ka IWM.

Haddii marka ay jirto sadaxda cilladood ee hoose mid ka mid ah in la baaro ayay ku haboon tahay si loo ogaado hadduu xanuun jiro.

Midda ku saabsan cilladda shahwada, haday kuu suura galayso toos iigala soo xiriir boggeena Facebook si lagaaga waraysto cilladdu nuuca ay tahay iyo baaritaannada aad soo martay maadaama aad la kulantay dhowr dhakhaatiir sida aad sheegtay. Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa insha'llah.

Nagala soo xiriir qeybta massages-ka ee bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)