Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaafiyo on October 21, 2011, 03:00:12 PM

Title: Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?
Post by: Kaafiyo on October 21, 2011, 03:00:12 PM
asc mahadoo dhan allay usugnaatay alxamdulilaah dhaqatirta isxilqantayna idunkuna waa mahadsantihiin  walaal waxaan idinwaydiina madaama kumbiyutar uurka lagubaaro uu yahay mid caloosha korkeeda looga ogaankaro waa maxay midka dumarka hoosta lagagalinaayo ayadoo laguusheegayo inlagu ogaanayo uurkaaga waxdhibaase makeeni karaa mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 08:56:31 PM
Kubuyuutarka hoosta laga galiyo dumarka waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Transvaginal Ultrasound" waana nooc ka mid ah kumbuyuutaradda lagu ogaanayo xubnaha taranka ee haweenka sida minka, ugxansidayaasha, luqunta minka iyo siilka intaba.

Waxaa baaritaan loo adeegsan karaa in lagu ogaado in xanuun minka uu jiro sida burooyinka ka soo baxo oo kale, haddii ay jiraan dhiig hoosta ka socod oo aan la garaynin sababta keentay iyo cillad caadada haddii ay jirto.
Hadii haweentu ay uur qaadi wayso, haddii ilmo ku qoomaan haweenta iyo haddii xanuun miskaha uu jiro intaba waa lagu ogaan karaa.

Waxa kale oo muhiimka ah oo lagu ogaan karo kumbuyutarkaan waxaa ka mid ah: uurka iyo heerka uu maraayo, in lagu dhagaysto garaaca wadnaha ee uurjiifka, in lagu fiiriyo xaaaladda iyo qaabka mandheerta, iyo in lagu qiyaaso lagulana socdo korriinka uurjiifka xilliyada billawga uurka oo aan lagu ogaan karin kumbuyuutarka caloosha dusha laga saarsaaro.

Marka guud ahaan kumbuyutarka noocaan wuu ka faaido badan yahay oo waxyaabo badan oo aan lagu ogaan karin kan caadiga ah ayaa lagu ogaadaa, waxaa kaloo uurka uu sheegi garaa waqti hore inta aan lagu ogaan kairn kan caadiga ah, waxaa kaloo waqti hore lagu ogaan karaa in uurjiifka uu leeyahay iin uu ku dhalan rabo.

Caafimaad ahaan wax dhib ah ma lahan inkastoo haweenka khaas ahaan soomaalida ay jecelyihiin midkaa laga saaro caloosha maadaama ay isaga yaqaannaan.