Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qawdhan on October 22, 2011, 09:40:07 PM

Title: Su'aal: Cudurka dhigkarka?
Post by: Qawdhan on October 22, 2011, 09:40:07 PM
dhamman waxan u mahad celinayaa dhakhaatirta  ku hawlan hawshan aadka uu faaiidada badan
wanad salaamantiin dhammaantin.
waxan doonayaa inaad iga jahil sartan dhammaan su'aalahna.
1- waa maxay dhiigkarku?
2- maaxaa keena?
3-sideebaa looga hotagi kara?
4-maxa u dawo ah?
5-maxa laga dhawra qofka uu ku dhaco?
6-waxyabaha dhanaan ku weebaa loo ogol yahay inu cuno?
7-ma jirta cunto la iska ilaaliyaa ama mid looqadaat isaga dartii?
8-ma keena indho la'aan maxaase lagu gartaa, sideeba see loo daweeyaa?
9-rajo ma leeyahay qofka uu indhaha ka tuuura intee buu fuilayaa in ay aragtidiisi uu soo noqoto?


aadbaan idinku mahad ceelinayaa waxan rajeeynayaa inaad iga soo jahil saridoontaan dhiigkarka iyo daweeyntiisa ugu fiican nabadagalyo
Title: Re: Su'aal: Cudurka dhigkarka?
Post by: SomaliDoc on October 29, 2011, 07:19:41 PM
Waxaan filayaa in cudurka dhiig-karka aad kaga bogan doontid halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html)
Title: Re: Su'aal: Cudurka dhigkarka?
Post by: Qawdhan on October 30, 2011, 12:02:53 PM
dhamman waxan u mahad celinayaa dhakhaatirta  ku hawlan hawshan aadka uu faaiidada badan
wanad salaamantiin dhammaantin.
waxan doonayaa inaad iga jahil sartan dhammaan su'aalahna.
1- waa maxay dhiigkarku?
2- maaxaa keena?
3-sideebaa looga hotagi kara?
4-maxa u dawo ah?
5-maxa laga dhawra qofka uu ku dhaco?
6-waxyabaha dhanaan ku weebaa loo ogol yahay inu cuno?
7-ma jirta cunto la iska ilaaliyaa ama mid looqadaat isaga dartii?
8-ma keena indho la'aan maxaase lagu gartaa, sideeba see loo daweeyaa?
9-rajo ma leeyahay qofka uu indhaha ka tuuura intee buu fuilayaa in ay aragtidiisi uu soo noqoto?


aadbaan idinku mahad ceelinayaa waxan rajeeynayaa inaad iga soo jahil saridoontaan dhiigkarka iyo daweeyntiisa ugu fiican nabadagalyo       waa mahad san tiin waa helay jawabtii lakiin waxan uu bahana hay in la ii sii bal baladhiyo su'aalahan kor ku xuseen siiba qofka uu indhah ka rido rajo ma leeyahay maxaaase loo qaban karaa? iyo ku waa ku sabsan cusbooyinka.
aadbaad uu mahada santiin
Title: Re: Su'aal: Cudurka dhigkarka?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 08:16:51 PM
Inkastoo su'aalaha badankood looga jawaabay qoraalkii hore oo aan kuu tilmaamay laakiin waan kuu jawaabayaa:
1- Waa maxay dhiigkarku?
Dhiigkarku waa cudur ku dhaca socodka dhiigga, kaasoo si xowli ah u socda halisna galiya xubnaha jirka intooda kale.

2- Maaxaa keena?
Ma jiraan wax laga qaado cudurka dhiig-karka laakiin waa sida cudurka sonkorowga oo kale, waa cudur dhaxal ku imaan kara ama qofka u nuglaan karo hidda socod ahaan.

3-Sideebaa looga hotagi kara?
Haddii familigaaga ay qabaan cudurka dhiig-karka waa laga yaabaa in aad halis ugu jirtid waa in aad si joogto ah isku cabirtid iskana ilaalisid in aad qaadato waxyaabaha kiciyo dhiigga haddii daawo ahaan lahayd ama cunno sida cusbada oo kale, haddii aad buuran tahay miisaanka dhin, sameey jimicsi joogto ah, haddii aad dhiig-kar qabtid si joogto ah u qaado daawada, hana joojin haddii dhiigga aad dareentid inuu caadi ku noqday, ka fogow isticmaalidda sigaarka, tubaakada iyo qaatka maxaayeelay intaba waxay sare u kiciyaan dhiig-karka, iska yareey welwelka iyo diiqada maxaayeelay iyagane waxay keenaan dhiig-kar.

4-Maxa u dawo ah?
Waxaa jiro daawooyin noocyo badan leh oo loogu talagalay in loo qaato cudurka dhiig-karka ee fadlan la xiriir takhtarkaaga si laguugu qoro daawada kuugu habboon.

5-Maxa laga dhawra qofka uu ku dhaco?
Qofka qabo waa in cunidda cusbada iska joojiyaa, waa in uu iska joojiyaa hadduu leeyahay balwad sida sigarka, tubaakada iyo qaatka, waa in uu iska yareeyaa welwelka.

6-Waxyabaha dhanaan ku weebaa loo ogol yahay inu cuno?
Wax walba wuu cuni karaa intaan ka ahayn cusbada iyo wixi kale oo takhtarkaaga kaa reebo cillado kale awgeed sida dufanka oo kale haddii aad halis ugu jirtid wadna xanuuna.

7-Ma jirtaa cunto la iska ilaaliyaa ama mid looqadaat isaga dartii?
Taasi horay ayaan uga jawabay.

8-Ma keena indho la'aan maxaase lagu gartaa, sideeba see loo daweeyaa?
Jahwareerka dhiig-karka waxaa ka mid ah in indhaha uu saameyn ku reebo oo qofka araggiisa uu wax gaarsiiyo tani maahan macanaheeda in indhaha kaliya uu halis ku yahay maxaayeelay dhiig-karka wuxuu saameyn ku yeeshaa wadnaha, kilyaha, maskaxda iyo xubno kale oo muhiim ah.
Dhiig-karka joogtada ah oo aan daawo loo qaadan wuxuu baabi'iyaa xidida yaryar ee indhaha sidaas ayuuna u saameeyaa, dadka indhahooda ay sidaan noqdaan badankood xanuun ma dareemaan laakiin qaarkood ayaa dareema madax xanuun iyo aragga indhaha oo daciifa.

9-Rajo ma leeyahay qofka uu indhaha ka tuuura intee buu fuilayaa in ay aragtidiisi uu soo noqoto?
taasi waxay ku xirantahay heerka ay gaarsiisantahay saameynta uu ku reebay indhaha way jirtaa heer wax laga qaban karo iyo heer halis ah, fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay xanuunnada indhaha.