Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdifatah454 on April 24, 2018, 12:13:09 AM

Title: Su'aal: Waxaan dareemaa in wadnaha cirbad la iga mudayo?
Post by: Abdifatah454 on April 24, 2018, 12:13:09 AM
asc dhamaan dhakhaatiirka ku bahawday bar kulankan cilmiyaysan kaas oo bulshada qaybeheeda kale u adeega salaan ka dib dictoore waxaan ahay wiil dhalinyaro ah waxaan jiraa da'da 21 waxaan mudooyinkii u danbeeyay siiba 2 dii sano uu u danbaysay isku arkay wadno xanuun sida caadiga ah mar mar ka mid ah marka aan neeftayda (oxygen) dib u qaato ayaa waxaa dareemaa sidii in wadnaha irbad laygaga muddayo waxaan u tagay dhakhtar wadno wuxuu igu yidhi waxba ma qabtid miisaankayguna waa 74kg waxaan iska ahay wiil iska yar buuran inta badana socod badan ma socdo maalmahan danbena arintani aad bay iigu sii badatay waana ay i walwal galisay fadlan dhictoore iga caawi sida ugu fudud ee aan ku ogaan karo in wadnahaygu caafimaad qabo iyo waxa ay tahay sababta keenaysa in aan wadnaha ka dareemo sidii in irbad la igaga mudayo oo kale alaha ku caawiyee fadlan i caawi wll mahadsanid waxaan idinka sugayaa jawaa b wacan
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaa in wadnaha cirbad la iga mudayo?
Post by: SomaliDoc on December 21, 2018, 09:38:28 PM
In aad dareentid sidii cirbad lagugu mudayo markaad neefsatid ama halaaqyootid, ma ahan wadne xanuun, shaqane kuma lahan waa cillad la dhaho "Pleurisy" ama "Koolbo-aaryo", faahfaahinta cilladaan ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0)