Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: drhassani on February 17, 2016, 04:19:09 PM

Title: Dhagaxaanta kalyaha fadhiista (kidney calculus)
Post by: drhassani on February 17, 2016, 04:19:09 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhagaxkili.png)

Dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka fadhiista

Dhagaxaanta kalyaha fadhiista iyo kadimareenka waa mid ku badan dhulkeena, taas oo ay ugu wacantahay cimilada iyo qaab nolaladkeena .

Waa maxay dhagaxaanta kalyaha fadhiista maxay ka samaysanyihiin?
horta dhagaxaantani maaha sida kuwa ciida ka samaysan iyo macdanaha kle  ee aynu dhulka ku aragno, se kuwani waa kuwo ka duwan islamarkaana ka jilicsan kana samaysma macdan laga helo kaadida iyo jidhkeena, taas oo ayno ka helno cuntooyinka aynu quudano . 

Dhagaxantani waxaa leeyihiin dhawr nooc , se waxaa ugu muhiimsan afartani nooc

Markaa ka ugu badan waa calcium oxalate  kaas oo samaysma marka uu qofku cuno cunto aashatadu ama dhandhanaanku ku badanyahay/cusbadu . calcium oxalate sideedabana waa cusbo aashato wadata (salt of oxalic acid).

Nooca labaad waa struvite stones noocani waxa keena waa caabuq ku raaga kalyaha ama kaadi mareenka <chronic urinary tract infections  >
markaa bacteeriyaa keenta cabuqaas ayaa waxa kaadida ku sii daysaa macdan loo yaqaano ammonium, ammoniumtaasina waxaa la fal gashaa macdan kale oo kaadida laga helo oo looyaqaano phosphate, falgalkaasina waxaa uu sababayaa inuu dhagax samaysmo .

Nooca sadexaad ee soo raacana waa uric acid stones noocasina inta bdan waxaa keena hilibka kalunka iyo macdano kale oo badan

Maxaa keena in dhagaxaantu kalyahaaga fadhiistaan  ?
kolay waxkastaba wax baa ku yimadaan, markaa sideedabana dhagaxaantu ma fadhiistaan kalyaha oo kali ah, se waxa fadhiisan karaan meelkasta oo kamid ah kaadi mareenka. haday tahay kaadi haysta, tuunbooyinka kaadida ka soo qaada kalyaha iyo inta u dhaxaysa kaadi haysta iyo ibta kaadidu ka soo baxayso .

Waxaa jira qodobo  caawiya ama ka qayb qaata in dhagaxaantu ku samaysanto kalyaha ama kaadi mareenka .


Maxaad isku ogaan kartaa inay dhagaxaan ku fadhiyaan kalyaha ama kaadi mareenka ?

Qaabkee ayaad ugu hortagi kartaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan kalyahaaga iyo kaadi mareenkaba?
Kol haddii aad fahantay waxa ay dhagaxaantu ku imanayaan  waa kuu fududaanaysa inaad fahanto qaabkii aad iska ilaalin lahayd

Qaabka loo daweeyo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka fadhiista
Dhagaxaanta kalyaha fadhiista ama kaadi mareenka waxaa keeni karaan inay xidhaan kaadi mareenka oo waxbaba dhaafi wayaan, waxaana keenaysaaa in qofka kalyuhu waawaynadaan iyo xanuun joogto ah .

Marka la daawaynaayo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka dhawr dariiqo ayaa loo maraa, dhagaxanta yar yar wax daawayn ah uma baahna ee iyaga ayaa iskood kadida iskaga soo raaca.
Dhagaxaanta wawayn maanta qalab badan ayaa loo adeegsada soo saaristiisa mar la burburiyo dhagaxii iyada oon qofkii la qalin, se maanta dhulkeena qaliin uunbaa la adeegsada inta badan .

By: Hassan Mohamud Nour

Akhriso: Sidee u wanaajiyaa caafimaadka kilyahayga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html)
Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)