Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on April 24, 2011, 12:56:23 AM

Title: SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?
Post by: GEEDOOW on April 24, 2011, 12:56:23 AM
 ASC WR WB  DHAMMAAN TAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED ,  IYO HOWL WADEENADA WEBKAAN QIIMAHA  IYO FAA IIDADA LEH .
WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA IFTIIMIYO FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU LEEYAHAY SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA , IYADOO AAN MAQALNO IN QOFKII XOOG LEH AMA AAN DHAXANTA KARIN AMA AAN DAALIN LA YIRAAHDO WAA QUBA CUN AMA QUBUU KUSOO KORAY , AMA WAXAAN MAQALNAA IN SUBAGGA QUBADA UU WAXTAR WEYN UU U LEEYAHAY XAGGA GALMADA, MUXUU KAGA DUWAN YAHAY SUBAGGA XAYAWAANADA KALE ?
WAADMAHADSAN TIHIIN .
Title: Re: SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2011, 07:23:25 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qubo.png)

Qubadu waa xayawaan diin-ka u eg oo ku nool badda, wuxuu ka mid yahay xayawaanada ka sii dabar go'ayo dunida.

Caafimaad ahaan lama xaqiijin lamana garanayo faaido gooni ah ay leedahay cunidda hilibka ama cabidda subaga qubada.
Fikradda ah in ukunta qubada ama hilibkeeda lagu daaweeyo kacsi darrada waa arrin aan la hubin waana wax ay aaminsanyihiin qowmiyaat badan oo soomaalidu ka mid tahay waxayna fikraddaan ka soo jeeddaa shiineeskii hore oo sida la sheego hammi yarida ku daaweyn jiray cunista qubada.

Xitaa soomaalidu way ku kala duwanyihiin meesha faaidada ku jirto qubada qaar waxay leeyihiin, subagga, qaar hilibka, qaar ukunta, qaar xubnaha taranka IWM.

Waxyaabaha kale ee la aamisanyahay ayaa waxay ka mid ah in dhiigga qubada lagu daaweeyo cudurrada maqaarka sida baraska iyo cudurka sonkorowga .

Qowmiyaatka ku nool xeebaha oo soomaalidu ka mid tahay waxay ku tiirsanyihiin qubo cunidda taasoo leh borotiin badan, inkastoo qubada lagu tiriyo xayawaannada ka sii dabargo'ayo dunida sidaa darteedne aanan laga ogoleyn wadamo badan in la ugaarsado.

Akhriso qoraal ku saabsan Hammi yarida ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan Hammi yarida dumarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html)

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?
Post by: GEEDOOW on May 12, 2011, 04:34:58 PM
ASC WR WB .
SUBAGGA QUBADA KOLOSTOROOL MALEEYAHAY ?  IN LACABBO AMA CUNTADA LAGU DARSADO KEEFAA IIDO BADAN ?
WAAD MAHADSAN TIHIIN
Title: Re: SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?
Post by: SomaliDoc on May 14, 2011, 10:49:09 PM
Kolostaroolka wuu ku badanyahay ukunta iyo subagga quabada labadaba.
In la cuno iyo in la cabo wax farqi ah uma dhaxeeyaan.!!!