Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 20, 2015, 05:29:33 PM

Title: Caga Qallaylka iyo Caga Jeexjeexa
Post by: SomaliDoc on August 20, 2015, 05:29:33 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cagaha.png)

Waa Maxay Caga Qallayl iyo Jeexjeex?

Maqaarka lugaheena caadiyan wuu ka duwan yahay maqaarka jirkeena oo kale, eebe uma samayn qanjirrada saliidda soo daayo saas awgeed waxay cagta ku tiirsan tahay kumanaan qanjirrada dhididka ah.

Haddii marka ay jirto cillad saamaynayso qanjirrida dhididka ee lugaha waxay keenaysaa caga qalleel iyo inay jeexjeexmaan.

Dadka uu aad ugu badan yahay cago qallaylka iyo jeexjeexa waa dadka macaanka / sokorowga qabo, dadka jimicsiga ciyaaro ama aadka u lugeeyo iyagoo kabo furan qaata.

Caga qallaylka waxay noqon kartaa xaalad ku meel gaar ah oo iska baab'i karto dadka qaarkiisne way ku dheeraan kartaa oo muddo ayay ka sheegtaan.

Badanaa caga qallaylka aan caadiga ahayn waxaa la socdo calaamado kale oo ay ka mid tahay:

Maxaa keeno cago qaleelka iyo dildillaaca?

Dhakhtarkee u baahanahay?
Haddii aad ka heli kartid meesha aad ku nooshahay dhakhtar ku taqasusay cagaha oo loo yaqaano "Podiatrist" la xiriir, haddii kale u tag dhakhtar ku taqausay cudurada maqaarka.

Sidee loo daaweeyaa cago-qaleelka?
Waa muhiim in aad ogaatid marka hore cillada keentay cagahaaga in ay qallalaan si aad ula tacaashid, dadka way ku kala duwan yihiin xaaladaha maqaarkooda, dad baanan u adkaysan karin dabeesha iyo kuleelaha oo jirkooda si dhakhsa ah u qallala.
Daaweynta iyo la tacaalidda caga qalleelka waxay badanaa ka bilaabataa guriga oo markii qofka uu ka daalo ayaa badanaa dhakhtarka loo tagaa.

Waxyaabaha aad samayn karto oo aad kaga hortagi kartid kor-qallaylka waxaa ka mid ah:
1- Adigoo isticmaala kareem ama wax maqaarka subkiyo sida Vaseline-ta markaa qubaysatid ka dib.
2- Adigoo ku qubaysatid saabuunnada korka subkiya ama dufanka leh si jirka uusan kuu qallalin.
3- In aad biyo kugu filan aad cabtid, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html)

Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu xallin karo cago qaleelka:

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)