Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 01, 2016, 11:26:19 PM

Title: 10 Cunno oo aan Haboonayn in lagu Casheeyo (Qoraal Cilmibaaris)
Post by: SomaliDoc on June 01, 2016, 11:26:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/casho.png)

Bismillahi,

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u roonayn, dadka badankoodne ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Waa qoraal ku dhisan cilmibaaris iyo tijaabin lagu sameeyay dadka cuno cunnooyinkaan iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan.


Cunnadaas aan kor ku soo xuay waa kuwa ugu badan ee dadku badankood ka wada sheegtaan, lana arkay inaysan caafimaadka u roonayn, way jiri karaa cunnooyin qaarkood oo dadka qaarkood siyaabo gooni ah u dhibi kara oo aan liiska ku jirin, taasina waa cillad u gaar ah qofkaas dhibsanayo.

Qofkii akhristay liiska kore waxaan hubaa inuu isweydiinayo: "Maxaa lagu casheeyaa haddiiba intaas la diiday?", waa su'aal loo hayo jawaab.

Caafimaad ahaan, cashadu waa inay khafiif ahaato oo aysan cuslayn khaasatan dadka waawayn oo dheefshiidkoodu yar yahay, waa in calooshu ay habeenkii nasataa sida jirku u nasanayo, waa in aan dharag lagu seexan.

Wuxuu qofka cuni karaa ama cabi karaa waxyaabo fudud sida Mushaarida, Bariis cad oo aan suugo lahayn, xabad moos ah, koob caano ah, qudaar fudud oo aan la isku shiidin, canjeero malawax aan subag lagu darin, roodhi malab la mariyay iyo digir aan saliid iyo sokor lagu miisin.
Intaanba wax dhib ah ma keenaan, way jiri karaan cunnooyin kale oo aad joogteyso, wax dhib ahne aadan kala kulmin, waad wadan kartaa.

Qoraallo Xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, fadlan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: 10 Cunno oo aan Haboonayn in lagu Casheeyo (Qoraal Cilmibaaris)
Post by: Axmed love on June 02, 2016, 12:30:53 AM
Dr : hurdada iyo cashada imisa sacadood baa loo dhaxaysiin karaa

Kawaran se hadaan cuno cunto culus 3 sacadood ka hor hurdada