Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadaq on December 07, 2016, 12:39:52 PM

Title: Su'aal: Cillada qallooca isha squint?
Post by: Sadaq on December 07, 2016, 12:39:52 PM
Asalaamu calaykum somalidoc

Dear, Doctors.


Waxaan wataa suaal ku sabsan Squin ama weershanimada  dadeydu waa 22 sano jir isha bidix ayan squin ka qawaa dhaqtar kumana dhalanin anigoo 8 sano jir eh ayaa waxa iga dhacay Ul jug jogan ayaa gartay kadib hospital ama dhaqatiir lima geynin waxan jogay mel badiyo/miga
waxa la iga gubay gacanta midig iyo dawoyinkale on xasusanen wan ku ficnaday lakin ishii waxa koray caad wax wan arki lakin wax iga fog ama waxyalaha yaryar ma arko
hortayda markaa so hor istagto waxad modaa in indhahayga simanyihiin hadana markad dhanka bidix iga marto waxad u malenesaa in an weershe ahay xiliyada kulul markan lugeeyo madaxa ilaa isha ayaa i xanuunta


waxaan idinka codsanayaa inad talo iga siisan samaynta ay isha kale ku
yeelankarto  tan kale Squinkan
maxaa sababa? mala sixikara squinka? ma isledahay caadka wa laga qadikaraa


Mahadsanid Somalidoc
Title: Re: Su'aal: Cillada qallooca isha squint?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2017, 03:40:17 PM
Waxay u badan tahay in ushii laguug dhuftay ay dhaawac gaarsiisay neerfaha kontaroola muruqyada indhaha mid ka mid ah, khaasatan dhinaca ay isha ka soo weecanayso, hadduu neerfaha qallafay ama muruqaasi yar uu baaba'y way dhib badan tahay  in dib loo saxo, laakiin waxaa muhiim ah in dhakhtar indhaha ah uu ku arkaa si loo ogaado cillada rasmiga ah iyo xal haddii ay leedahay.
Akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadlay Squint-ga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2959.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2959.0)
Title: Re: Su'aal: Cillada qallooca isha squint?
Post by: Cige Aar on January 14, 2017, 10:58:58 PM
Dr    da'aydu waa 23 squintka ama qalooca isha ayaan ku dhashay waxbana lagama  qaban  oo hal il ayaa ii shaqaysa   isha kale waa very low ama waxba kama arko. 

Qaloocii isha  waan yareeyay oo dadaal naftayda ka yimi oon dhakhtar igu taageerin  waxaan sameeyay tababar iyo  jimicsi isha ah alxamdulilah

Laakiin  nuurkii isha  waxba iskama bedelin
 
Dakhaatiir dalka ah waan arkay waxay igu yidhaahdeen  ishaa arageeda lama soo celin karo waxna lagama qaban karo

Markaa waxan ku waydiin lahaa maxaa qalooca keenay marka hore iyo aragii isha oo lumay  ta kale

Wax saamayn ah maku yeelan kartaa guud ahn cafimadkayga gaar ahaan isha kale
Thankz
Title: Re: Su'aal: Cillada qallooca isha squint?
Post by: Sadaq on April 05, 2017, 10:16:46 AM
mahadsanid Dr

wax saamen kuma yelankartaa isha kale
araga ima so noqonkaraa hadii qalin lagu subiyo