Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cayuush Omer on February 20, 2016, 07:59:47 AM

Title: Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?
Post by: Cayuush Omer on February 20, 2016, 07:59:47 AM
asc waraxmah akhwani waxan idin waydiyay.maxa keeno naaso xanuunka xiliga caadadu so dhowdahay ama ay joogtaba??
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2016, 08:48:00 PM
(http://somalidoc.com/Topics/naasocaado.png)

Naasaha oo xanuun laga dareemo xilliga caadada waa cabasho ku badan dumarka, naaso xanuunka wuxuu ka mid yahay waxyaabo badan oo la dareemo xilliga caadada.

Waxay haweenka qaar ka dareemaan naasahood xilliga caadada ka horrayso kuus wayn oo daqnasho leh oo naasahooda aysan horay ugu ogayn, tanoo loo yaqaano "Fibrocystic breast disease", waa wax aan kansar ahayn, markii caadada laga gudbane way shuuqaan oo way dhamaadaan.

Badanaa xanuunka la dareemo iyo daqnashada wax intaa dhaafsiisan ma jiraan markii dhiiga caadada yimaadane xanuunka wuu yaraadaa.

Maxaa keeno naaso bararka iyo daqnashada xilliga caadada?
Waxaa arrintaan loo saariyaa isbadallada hormoonka ku dhaco dumarka xilliga caadada soo dhawdahay, sida dabiiciga ah, hormoonka estrogen aad ayuu u kacaa kadibna si dhakhso ah ayuu ku dagaa, taas ayaa keenaysa in naasuhu bararaan, hormoonka kale ee progesterone isagane wuxuu barariyaa qanjirrada soo daayo caanaha, labadaan isbadal waxaa la dareemaa in naasuhu ku daqnadaan khaasatan markii la taabto ama wax kaa taabtaan si kadis ah.

Naasaha waxay kaloo u ekaadaan wax buuxo oo kale oo xoogaa culeys ayaa laga dareemaa, dareenkaan naasaha laga dareemo wuu sii yaraadaa kullamaa ay haweentu da' noqoto, maadaama hormoonka istarojiinka uu hoos u dhaco.

Sidee loola tacaalaa arrintaan?
Arrintaan ma ahan wax dhib keeni karo, waana wax ka dhashay isbadal dabiici ah oo qofka ilaahay ku abuuray, haddii aad isku aragtid astaamahaan soo socdo, markaas la xiriir dhakhtar:

Hadduu xanuunka aad kuugu daran yahay, waxaad isticmaali kartaa paracetamol ama ibuprofen oo xanuun baab'iye ah.
Waxaa la ogaaday in cunnooyinka uu ku badan yahay fitamiin E-ga inuu yareeyo daqnashada naasaha iyo bararkooda, waxaana cunnooyinkaas ka mid ah:

Qoraallo xiriir la leh:
Akhriso lug xanuunka xilliga caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6427.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6427.0.html)
Akhriso buruq naaseedka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html)
Akhriso Kansarka Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1617.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1617.0.html)
Akhriso cillada bararka naasaha ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html)
Akhriso Naasaha kala dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html)
Akhriso Xanuunka iyo dildillaaca ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: Akhriso Xanuunka iyo dildillaaca ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)