Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qudhac on May 21, 2016, 11:33:34 PM

Title: Su'aal: Quumanka?
Post by: Qudhac on May 21, 2016, 11:33:34 PM
Asc !
Doctor Mudo lagajoogo 2sano aya la'iga saaray quumanka, kabacdi dhagdhag faro badan ayaan afka kuyeshay , sidii dheecaan meel kaso baxaya oo adag weeyaan, dhakhtaro badan ayan u tagay, waxay i dhaheen dhagdhaga waa iska cadi . anigana doctor xishood ayaan dadkii ooga dhexbaxay sababto ah afkayga aad ayuu iskugu dhagdhagayaa maqosli karo sababto ah candhuuf dhagdhag badan ayaa ilkahayga kamuqanaysa hadaan qoslo, hadalkii caadiga ahana bishimihii ayaa isku dhegdhegaya , ilahay wan baryaa insha allahna malin wuu i cafin . Doctor waxan adiga kuso dontay wixii talo iyo tusaale ah . su'ashayda waa qumanka hadii laga saaro meshee ay kabaxeen see ayay u ekaanayaan ?? sababto ah dhanka midig wali hilibki qumanka wu iga muuqdaa lkn dhanka bidix waxba kama muuqdaan . markaa dr ma dhanka midig ee quumanka ayaa wax ka khaldanyihiin?? fadlan ilahay dartii isoo fahansii qabka ay u ekaanayan quumanka marka lagasaaro? dhagdhaga afkana inbadan ayan kuwaydiyay wixi talo ah eed ii shegtana wann u shega doctorada norway lkn wax ala wax ay ii qabten majiro , waa iska cadi umbay i dhahan waxba ma qabtid ayay shekada iguso gabagabeyaan. takale majiraa dawo kumeel gaadh ah oo ugu yaran saacad kaa joojinaysa candhuuftan ama dhecaankan badan ee afka kabuux samaya ama dhagdhaga iga yaraynaysa? mahadsanid doctor ilahay kuwa caawa wa habeen khyr badane kuwa naarta laga xoreeyo hakaadhigo janadana loogu bishareyay . jawaabtada ayaa weheshada wxan sugaba wa jwabtada wngsn
Title: Re: Su'aal: Quumanka?
Post by: SomaliDoc on June 03, 2016, 08:53:41 PM
Su'aashaada jawaabteeda ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6278.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6278.0)
Title: Re: Su'aal: Quumanka?
Post by: Qudhac on June 04, 2016, 09:26:59 PM
Asc dr qumanka mesha lagasaro say u'ekanaysa ? labada dhinacba.
Takale Qanjidhka tyrodka ee kuyala hawa marenka, dhunta masababi kara dhagdhaga afka hadi aan kabuko?
Su'ashayda 3ad waa seen iskaga joojin karaa dhagdhaga afka ? se majiran dawoyin onetime ah oo la isticmalo yacnihi ka joojinkara dhagdhaga mudo kumel gaadh ah . dr taloyinki hore eed ishegtay kuli wan sameyay wax iskakay badalayna majiran .drada kale markan u tagana dhagdhaga afku wa cadi ayay idhahayan . Fadlan ado aqontada iyo maskaxdada fayaw adegsanaya seen uga takhalusi karaa dhagdhaga afkayga ?
Ilahy haku cawiyo dr saad i cawisay.
Title: Re: Su'aal: Quumanka?
Post by: SomaliDoc on July 05, 2016, 10:14:21 AM
Meesha laga saaro quumanka maahan wax aad adiga fahmi kartid.
Thyroid iyo quuman shaqo iskuma lahan.
Sida aad uga takhalusis kartid dhagdhaga afka waxay ku xiran tahay nooca iyo heerka cilladaada ee fadlan la xiriir dhakhtar ku taqassusay dhagaha, cunaha iyo sanka ee loo yaqaano "ENT doctor".