Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 11, 2017, 04:17:24 PM

Title: Dabeecad Wanaagsan Laakiin Waswaaska U Nugul.
Post by: SomaliDoc on November 11, 2017, 04:17:24 PM
(http://somalidoc.com/Topics/OCPD.png)

Bismillah,

Wuxuu casharkaan jawaab u yahay qofkii cabashadiisu u qornayd sidatan: "Waxaan leeyahay dabci aan garanayn inay dadka kale ila qabaan, waxaan jeclahay in wax walba ay sinnaadaan ama dhameestirmaan, wixii kala qallooco ama kala dheer inaan isku aadiyo ayaan ku dadaalaa, wax walba siday isku leeyihiin ayaan iskugu aadiyaa, tirada iyo midabada siday isku qaadan karaan ayaan isku raaciyaa markaan wax habaynayo, haddaan meel igu cusub qof ku sugaayo waxaan waqtiga ku lumiyaa tirinta waxyaabaha tirsami karo oo halkaas ka muuqdo, waana necbahay isku dhexyaaca, nadaafad xumada iyo kala daadsanaanta, mararka qaar waxaan is dhahaa waxaad waqti ku lumisaa waxyaabo maalaa yacni ah!, marka ditoorow dabcigaan muxuu yahay, maxaase iga qaldan".


Cabashadaan waxay ka tarjumaysaa dabciyo jiro laakiin aysan dadka leh badanaa jeclayn inay ka sheekeeyaan si aan loogu malayn inay wax ka qaldan yihiin, laakiin dabeecadahaan maahan astaan cillad inkastoo haddii ay xadka ka baxaan isku baddali karaan xanuunka shakkiga iyo waswaaska ee loo yaqaano "OCD".

Maxaa lagu gartaa dadka dabeecadahaan leh?
Waxay dadka dabeecadahaan leh caan ku yihiin arrimahaan soo socda:

Ku dadaalidda afartaas sifo maahan astaan cudur, waana arrimo la mahadiyo laakiin markii ay xadka ka baxaan waxaa qofka ku abuurmi kara shakki in meel uu nadiifiyay inay weli wasakh tahay sida weesada ama salaad xirashada oo kale ama tiro uu xisaabiyaya inay qaldan tahay. waxay dabeecaddu markaas isu badalaysaa heer cudur, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan markay dabeecaddaan cudur noqoto ama isku badasho: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0)

Maxaa lagu fahmi karaa inay cudur isku badali rabto:
Waxaa lagu fahmi karaa in howlaha kale ay kaa mashquuliso dabeecadaan oo ay kugu noqoto arrin mar kasta ku hortaagan, Tusaale: adigoo howl kale haysta haddii aad aragtid wax khaldan oo maskaxdaadu diidan tahay sida nadaafad darro ama wax isku dhex yaacsan, kadibne aad u istaagtid oo howshii muhiimka ahayd aad u dayacdid, taasi waxay isku badalaysaa cilladda "OCD".

Maxaa ka mid ah dabeecadaha kale ee leeyihiin dadkaan?
Haa, dadkaan waxay leeyihiin dabeecado kale oo aad u wanaagsan, kana baxsan kuwa halkaan ku xusan, waxaana shakhsiyadooda loo yaqaanaa "Conscientiousness", halkaan ka akhriso shakhsiyadda dadka leh dabeecadahaan si aad u fahantid la dhaqankooda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7943.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7943.0.html)

Dadkaan maxay dadka kale dheer yihiin?
Maadaama ay yihiin dad leh dabeecado badanaa la isku booriyo waxaa aad u raadsado shirkadaha iyo hay'adaha ku shaqada leh howlaha aan looga maarmin dabeecadahooda, waxaana ka mid ah: shaqooyinka bankiyada iyo xawaaladaha maadaama ay dhif tahay in dadkaani lacag ku lunto ama si hubin la'aan ah wax lagu marsiiyo.
Waxaa kaloo aad loogu raadiyaa howlaha nadaafadda la xiriira sida guryaha, hoteelada iyo maqaayadaha, aad ayayna uga soo baxaan howlahaas. Waxaa kaloo aad u raadiyo warshadaha ku shaqeeyo mashiinnada oo alaabaha tirada badan soo saara.

Sidaa darteed waa dad leh dabeecado fiicfiican, laakiin waa dad u nugul inay ku talax tagaan oo shakki iyo waswaas ku abuurmo, sidaa darteed waa muhiim in ay raacaan talooyinka ku xusan labada qoraal ee kore.

Sideen ku ogaan karaa inaan ku jiro dadka dabeecadahaan leh?
Sawirka kore ee ka muuqdaan 3-da goobaabin oo midabkoodu casaanka yahay haddii aadan illaa iyo hadda ka dareemin wax khalad ah, dabcigaan ma lihid, halisne uguma jirtid cilladda waswaaska.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ama latalin khaas ah igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)