Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on June 26, 2011, 09:42:32 AM

Title: Su'aal: waa maxay dialysis?
Post by: Hassan Bile on June 26, 2011, 09:42:32 AM
waxaan geeyey gabar walaashey hospital ku yaalo nairobi, aad ayey u xanuunsaneed dhaqtarkii la geeyeyna wuxuu ka sheegey kidney failure aa jiro marka waxaan u sameyneynaa dialysis ayuu yiri. Waana u socotaa howsha hadda maalin kastana dhiig ayuu ka qaadaa waxbaa u dhiman buu ku hayaa marka waxaan rabaa shaqada dialysiska inaan ogaado.
Title: Re: Su'aal: waa maxay dialysis?
Post by: Dr.Adnan on June 28, 2011, 01:48:37 PM
Marka kalyuhu "Kidneys" ay caafimaad qabaan, Waxa ay qabtaan shaqooyin faro badan oo ay ka mid yihiin

Sidaa aawadeed marka kalyuhu hawl gabaan "Kidney failure" , shaqooyinkan kor ku xusan ayaa loo baahanya walax qabata, Ilaa inta qofka kalyo cusub loo galinayo amaba kuwiisii hore bogsanayaan waxa uu u baahanyahay Dialysis si uu hawshaasi u qabto.

Dialysis-ku waa mashiin qabanaya qaar ka mid ah hawlihii kalida, Sida nadiifinta dhiiga, laakiin qofku waxa uu u baahanayaa inuu qaato daawooyin iyo waliba macdanaha qaarkood. Qofku waxa uu dialysis-ka u aadaa kolba inta baahidiisu tahay , dadka qaar maalin walba qaarkoodna usbuucii hal mar, dhakhtarkaaga ayaana go'aamin kara.

Si aad warbixin dheeraada uga hesho hawlgabka kalyaha Guji Halkan  (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html)


Title: Re: Su'aal: waa maxay dialysis?
Post by: SomaliDoc on June 29, 2011, 08:56:58 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlaayo "Dialysis" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html)