Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 18, 2017, 12:22:13 PM

Title: Aqoon U Yeelo Muruq Boodka Dhabarka
Post by: SomaliDoc on June 18, 2017, 12:22:13 PM
(http://somalidoc.com/Topics/muruqbood.png)

Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay nuuc ka mid ah dhabar xanuunka oo aanan weli horay uga hadlin, loona yaqaano "Muruq-boodka dhabarka" afka qalaadne lagu dhaho "Pulled Back Muscle" ama "Muscle Strain", taasoo ka dhalato cillad gaartay murqaha dhabarka khaasatan seedaha.

Cilladaan waxay timaadaa markii muruqa dhabarka cadaadis la saaro oo xadkiisa la dhaafiyo, taasoo keenayso inuu aad u jiidmo, kadibne dillaaco ama kala furfurto.

Maxaa keeno cilladaan?
Waxay cilladaan badanaa bilaabataa markuu qofka culeys xambaaro khaasatan isagoo fooraarsan, ama si kadis ah isku qalloociyo ama dhulka ku dhaco isagoo ciyaarayo ama markay hooyada foolanayso.

Maxaa lagu gartaa cilladaan?
Dadku way ku kala duwan yihiin xanuunka, waxaa dhici karta inuu qof dareemo xanuun ama danqasho fudud, qaarka kalane xanuun aad u daran, taasina waxay ku xiran tahay dhaawaca gaaray muruqa, astaamaha la dareemane waxaa ka mid ah:

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Badanaa dhaawacyada murqaha iskood ayay iskaga bogsadaan, laakiin waqti ayay qaataan, markuu xanuunka cusub yahay waxaa qofka lagula taliyaa inuu 2 maalmood uu nasiino sameeyo, xanuun baab'iye (pain killer), barar-dajiye (anti-inflammatory) iyo muruq dabciye (muscle relaxant) uu qaataa si muruqa uu waqti bogsiino u helo. waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kuu sameeyo duugis murqaha dhabarka si ay u helaan qulqul dhiig oo ku filan, markuu dhaawaca muruqa cusub yahay, waxyaabo qabaw ayaa la saarsaaraa si bararka iyo hurka uga dago, laakiin markuu xanuunka raago waa la qandaciyaa ama la kubbeeyaa, akhriso faa'idooyinka caafimaad ee laga helo Kubbeynta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6948.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6948.0)

Waa muhiim in aad dhakhtar la kaashataa hadduu xanuunka uu 2 usbuuc dhaafo, si talo dheeraad ah laguu siiyo laakiin ogow hadduu xanuunka uu muruqa kaliya ku eg yahay qalliin laguma sameeyo illaa inay cillad kale la socoto mooyee.

Dhabar xanuunka neerfaha ah:
Waxaa dhici karta in qofka uu qabo cilladaan kore una sii dheer tahay cillad kale oo ka dhalatay in neerfaha dhabarka uu cadaadis ka saaran yahay taasoo ka dhalatay in lafaha ricirrada dhabarka ay kala durkaan, carjawdii u dhaxaysane ay booskeeda ka soo baxdo, waxaa la socon karo xanuun lugta ah, dhabar xanuunkaan waa kan ugu badan ee bulshada soomaalidu la nooshahay waxaana lagu qaldaa dhabar xanuuno kale, inkastoo ay jirto xaalado qalliin u baahda, laakiin dhakhaatiirta qaarkood qalliin ayay kula degdegaan taasoo cillad hor leh keeni karto Fadlan qoraal faahfaahsan oo ku saabsan cilladaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0)

Dhabar xanuunku waa cabashada ugu badan ee dhakhaatiirta loola tago, laakiin waxaa muhiim ah in qofka waraysi qoto dheer ah lala yeesho, la wiisiteeyo, kadibne baaritaan loo diro iyadoo weliba uu dhakhtarku dooranayo baaritaanaka ku haboon xanuunka qofka hayo, sababtoo ah baaritaannada qaarkood laguma ogaan karo xanuunkaaga.

Haddii aad dhabar xanuun la nooshahay, nuuca uu yahayne aad garan wayday, dhakhaatiir horene aad la kulantay, baaritaannadii horane aad haysatid, nagala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook si talo aan kuugu caawinno: https://facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://facebook.com/HealthySomalia/messages/)

Haddii aad qoraalkaan faahfaahin uga baahan tahay su'aalahaaga ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)