Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diini on May 24, 2011, 11:30:34 PM

Title: Su'aal: HADII AY YARATO RIYADADA (JUNUUBID) ADOON SAMAYN WAX GALMA AH MUDO MAXAA KEENI KARA?
Post by: Diini on May 24, 2011, 11:30:34 PM
ac/cl aad ayan idin kaga mahad celinayaa dhamaan dhaqaatirka sida wanaagsan ee ay umada u wacyi gelinayaan ama AY ugu faa ideynayaan,SUAASHAYDU WAXAY TAHAY HADII AY YARATO RIYADADA (JUNUUBID) ADOON SAMAYN WAX GALMA AH MUDO AWALNA AAD LAHAAN JIRTAY MAXAA KEENI KARA CAFIMAD AHAANSE MAXAY SABABI KARTAA
Title: Re: Su'aal: HADII AY YARATO RIYADADA (JUNUUBID) ADOON SAMAYN WAX GALMA AH MUDO MAXAA KEENI KARA?
Post by: SomaliDoc on May 29, 2011, 09:27:31 PM
Isku-junubka waa arrin dhacda xilliga hurdada, ragguna way ku kala duwanyihiin xilliga ay billaabaan isku-junubka iyo inta jeer ay ku dhacdo arrintaan.
Waxay badantahay xilliga qaangaarka wayna yaraataa markuu qofku koro, imaanshaha isku-junubka ama badnaanshaha waxaa xadidi kara waxyaalo badan oo ay ka mid tahay riyada nooca ay tahay, xaaladdaada nafsadda sida ay tahay, heerka hormoonkaaga Testosterone, haddi ay jiraan daawooyin aad qaadato, haddii aad sameyso "siigeysi".

Wax caafimaad darro ah ama dhibaato kale ay keeni karto arrintaan ma jirto waa wax dabiici ah oo alle ugu talogalay in ay dhacaan.

Haddii aad lahaan jirtay haddane iska wayday maahan in ay wax kaa qaldanyihiin ee waxaa laga yaabaa in aad is badashay xagga korriinta, heerka hormoonnadaada iyo waxyaalo kalaba.