Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zameeha on November 08, 2011, 03:17:33 AM

Title: Su'aal: Laadadyo wakhtiga galmada iyo lugo xanuun?
Post by: Zameeha on November 08, 2011, 03:17:33 AM
asalaama allaikum dhakhaatiirta sharafta badan

walaalo yaal inan ayaa suashan i waydiisay wxa ku iri ani wxa cilmiya uma hayee dkhaatiirta somaliyeed ayaan kuu waydin

inantan waa la qabaa laakiin dhibkay sheeganaayso waxa weeye wakhtiga galmada waxay dareenta laadadyo ama matag mataga bacdal galmada ayuu ku sii bata ladadyadii way sii badataa waxay tiri waan dhibsada galmo inaa dib u sameeyo ama igama qabato inan galmo sameeyo ilaa mudo dhoor cisho ma jecli teeda kale waxa xanuuna lugaha boodyaha ama lugaha hoose say ii sheegtay wax xanuuna ma qabto dhakhtarada waa ka wayeen aan ka ahayn gaas caloosha ah markaa waxay rabtaa inay ogaato bal waxa sababahan keenaya walaalo soo caawiya walaashiina muslimada ah ana waan u gudbin doonaa wixii suala aad sii waydiisan insha'allah
Title: Re: Su'aal: Laadadyo wakhtiga galmada iyo lugo xanuun?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 11:27:09 PM
Dhowr su'aalood:
1- Uur miyay leedahay?
2- Wax joogto ah miyaa galmo kasta ka dib?
3- Cadaadis miyaa jiro caloosha ka saarma xilliga galmada mise kuma xerna qaabka iyo in cadaadis caloosheeda saaran yahay iyo in kale?
Title: Re: Su'aal: Laadadyo wakhtiga galmada iyo lugo xanuun?
Post by: Zameeha on November 22, 2011, 02:19:30 AM
Dhowr su'aalood:
1- Uur miyay leedahay?
2- Wax joogto ah miyaa galmo kasta ka dib?
3- Cadaadis miyaa jiro caloosha ka saarma xilliga galmada mise kuma xerna qaabka iyo in cadaadis caloosheeda saaran yahay iyo in kale?

 waa ku wan walaalo sualahaad wyadiisay jawaabahoodi

1) ma yaha uur male
2) haa waa wax joogta ah galmo kasta kadib
3)maya kuma xirna cadaadis caloosha saaran
Title: Re: Su'aal: Laadadyo wakhtiga galmada iyo lugo xanuun?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 06:02:57 PM
Galmada kaligeed in ay keento lalabo ama matag lama sheegin weli haddii aysan jirin cillad kale oo la xiriirto, waxaanne kula talin lahaa gabadha in ay la xiriirto takhtar haween si loogu sameeyo baaritaan khaas ahaan mid uur ama buro fiix haddii ay jirto kuwaas oo laga yaabo in ay keenaan lalabo ama matag.

Waxaa kaloo keeni karo sida aad sheegtayba gaastarikada khaas ahaan haddi cadaadis caloosha la saaro oo qofka laabjeex dareemo wixii caloosha ku jirayne ay ku rogmadaan.