Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan2013 on April 27, 2013, 03:25:38 AM

Title: Su'aal: Talo ku saabsan sonkorowga?
Post by: Hassan2013 on April 27, 2013, 03:25:38 AM
Asc wr wb wallallah dhakaahtiirta illahay ajar hayadin kasiiyo waxa aad dadkiina uqabateen walal su aashayda waxa weeye waxan leeyahay yar sxb aan nahay oo aaad u xanuunsan marka wareysatay wuxu iisheegay inuu kudhacay sonkorow ama cudurka hadba saa utaqaanid marka cudurka waxu ku dhacay sanadkii 2011kii dhakahtarna muu utegin wuu qarasaday waa nin dhlinyaro illahay talada masiin markii uu kudhacay wax waa loo qaban karay lakiin maalin dhoweyd ayuu dhakhatar tegey dhiigag badan ayaa laga qaaday waxan ladhahay dhigaga waa normal
marka isagan waxu leeyahay waan qabaa waxana i xanuunaya kelyaha iyo cirbah wuuna sii caatoobaya aniga xataa waan ka deeramay. marka maxad kula telin lahaydeen walaalkiin?mise dhici kartaa hadadan horey dhakhtar kategin in hadhow cudurkii lagaa waayo adna aad weli qabto?
Maxa kale oo lagu baari karaa?
Title: Re: Su'aal: Talo ku saabsan sonkorowga?
Post by: SomaliDoc on May 15, 2013, 11:56:42 AM
Xanuunka sonkrota wuxuu leeyahay calaamado lagu garto mana ahan xanuun qarsooma, hadii dhiigaga lagu baaro sonkorta laga waayay waxaa dhici karo in xanuuno kale haayaan ee waxaan talo ahaan u siin lahaa in uu la xiriiro takhtar si looga baaro xanuunada leh calaamadaha uu ka cabanayo.

Kilyo xanuun, cirbo xanuun iyo caatoos waxaa keeni karo cudurro badan ee takhtar aqoon leh la xiriirsii.

Caafimaad ayaan u rajaynaynaa