Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samawade5151 on April 08, 2016, 08:47:21 PM

Title: Su'aal: Saameynta caafimaad ee Abufaasta?
Post by: Samawade5151 on April 08, 2016, 08:47:21 PM
Dr ducada dadka allah wuu kuu aqbili doonaa insha allah
Caawin toodana ajar jooda waad heli maalin aad ubaahan tahy

Abufaasta  dadku waxay u istic maalaan daawo ahaan  qaar afkay ku shubtaa carabka, wayna  liqaan

Qaniiyada maska way u osticmaalaan

Dad sigaarka cabaana  waxay ku shubaan sigaarka ka dib bay gubaan sigaarkii oo ay ka qoyan tahay abu faastii

Dr markaa saameyn togan caafimaadka maku leedahay

Qaababkan loo istucmaalose maxay keeni karaan

Mahad sanid
Title: Re: Su'aal: Saameynta caafimaad ee Abufaasta?
Post by: SomaliDoc on April 23, 2016, 05:30:22 PM
(http://somalidoc.com/Topics/abuufaas.gif)

Abuufaaska waa daawo xanuun baab'iye ah, waa saliid aan midab iyo caraf toona lahayn oo lagu keenaa dhalo dhuuban, waxaa samaysa shirkad fadhigeedu yahay dalka Singapore, laakiin faracyo ku leh Hongkong iyo India.

Abuufaasta waxaa loo adeegsadaa murqo xanuunka, dhabar xanuunka, dhaawacyada seedaha, bararka jugta iyo kalagoysyo xanuunka.

Abuufaaska wuxuu ka kooban yahay afar shey oo kala ah: Menthol, Mehtyl salicylate, Camphor iyo Lavender oil. Afartaa walxood waxaa laga soo saaray daawo dhireed dabiici ah.

Sidaas awgeed Abuufaasta lama mariyo nabraha furan, lama cabo, indhaha iyo dhagaha laguma shubto, waa halis haddii meel aan maqaarka kore ahayn loo isticmaalo.

Fadlan u fiirso waxa baakadka iyo dhaladaba ku dul qoran "For External Use Only", tan oo macnaheeda ah waxaa loo adeegsadaa maqaarka kore kaliya.

Markii aad jirka meel ka mariso, si aad ah ha u duubin, waxaa dhici karo in huurkaas iyo cadaadiskaas dartii uu maqaarka dubka ka kaco.

Haddii xanuunka aad u isticmaashay uu ka daro ama ku baab'i waayo 5 maalin gudahood, fadlan dhakhtar la xiriir.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)