Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ruwayda on October 14, 2018, 07:40:59 PM

Title: Su'aal: Bishii 1-aad ayay caadada heshay?
Post by: Ruwayda on October 14, 2018, 07:40:59 PM
Asc doctore !suashaydu waxaytahay!
Gabaryar oo walashaya 11jir ah ayaa waxay heshay .cadada markay jirtay 10sano bishii kowaad unbay caadi uheshay. Intii kle wuuka khalkhalay.dhaktar Ayaan ugaynay.!kiniin ayuu uqoray !3bilood .kininki markay qadatayna wuukatagay sanad ayuu kamaqnaa ?sanad kadib ayuu kusoo noqday !hadana isbuuci 1mar ayuu kamaqnada 6dayska kale wayheshaa ama 1bil ayuu kasocdaa ?markaa sadex kalar ayuu leyahy markuu kaimaanayo .,!huruud kalar ah,?marna madow kalara! Marna casaan! Wanaa 13jir?xanuun kle nh malahan
Title: Re: Su'aal: Bishii 1-aad ayay caadada heshay?
Post by: SomaliDoc on March 07, 2019, 08:09:33 PM
Caadi ahaan markay caadada cusub tahay, khalkhal baa ku dhaco waana arrin dabiici ah maadaama hormoonadu aysan fadhin, laakiin sida aad tilmaantay suuragal ma ahan in caadada 6 bil ay maqnaato, hal bilne ay socoto, cunugtane ay caafimaad qabto ama xanuun kale aysan jirin, waxaa laga yaabaa inaad gabadha aad waraysatay, taasoo ah warbixin aan lagu kalsoonaan karin markay gabdhaha yar yihiin, caadada safiican uma fahansana, warbixin khaldan ayay badanaa bixiyaan, marka taladaydu waa inaad dhakthar haween u gaysaa si caafimaadkeeda loo baaraa sida dhiigyarida IWM. halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0)