Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamdi abdi aden on February 18, 2019, 12:54:43 AM

Title: Su'aal: Xaako urayso, dhabar xanuun iyo wax cad?
Post by: Hamdi abdi aden on February 18, 2019, 12:54:43 AM
Asc somali doc aad ayan idinkaga mahadcelinaya  sida hagar la.aantaa ee aa bulshada ucawisan ilaahayna ajarkeeda ha idin siiyo hadan gudagalo suaalahayga
1: dr waxaan isku arkay burar cadcad oo urbadan oo xaakadayda soo raaca ilaa mudo dhowr sanaa siiba xiliga qaboobahaa oo dhuuntayda ka imanaya
2: dr dhawaan ban umulay markan foolanayayna aad ban udocda (jiirta) ilaa aan ilmihii madaxiisii kafkayga soogalay waxan isku arka wax cad oo soo dhawaaday waxaana arka markan xaajo gudanayo
3: dr waxan leyaha dhabar xanuun saaid ah oo an kanasan habayn maalin jiif shaqo xaalad walbon kusuganay ilaa 15 jirnimadaydiina saasaan ahaa garabka bidix hoostiisa ilaa qoorta baa sidii waran la iigamudaya jucin baana kunoolaha iyo jimicsi
Qayr alaha idin siiye somali doc jawab wacan ban idinka sugaya ilahay dartiis
Thanks all
Title: Re: Su'aal: Xaako urayso, dhabar xanuun iyo wax cad?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2019, 02:27:51 PM
Haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo sadaxdaada su'aalood:
1- waxa cadcad ee afkaaga ka soo baxayo oo weliba urayo waa dhagaxaanta quumanka, horay ayaan qoraal ku faahfaahiyaya ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0)

2- Wax cad ee hoosta ka dareemaysid weliba markaa kaadida iska dhaqaysid waa afka minka oo soo dhawaaday waxayna badanaa hooyooyinka isku arkaan xilliga umusha ka dib, sababtuna waa foosha oo soo dhawaysay, muddo kadibne meeshiisii hore ayuu ku laabtaa ee wax jirkaaga ku soo siyaaday maahan, marka yaysan welwel kugu hayn.

3- Dhabar xanuunka arrimo badan ayaa keena, halkaane laguma soo koobi karo laakiin maadaama aad tiri illaa yaraantaydii ayaan sidaa ahaa oo in la igu istaago ama la ii juciyo ayaan ku socdaa waxaa laga yaabaa inuu jiro xanuunka riixa ee qoorta iyo dhabarka galo, marka taasi waraysi dheer, wiisiteyn iyo baaritaan ayaad u baahan tahay ee wixii waribixin dheeraad ah akhriso labadaan qoraal:
Riixa Qoorta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0)
Riixa Dhabarkta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0)