Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sharmacowlyare on June 06, 2018, 04:55:47 PM

Title: Su'aal: Xididada xiniinta dhagax ayaa ku jira?
Post by: Sharmacowlyare on June 06, 2018, 04:55:47 PM
asc dr aad ban idinkaga mahadcelinaya sida aqoontiina aad ugu faideyseen bulshada somaliyeed inta ka dib aniga wxaan isku arkay xininta bidix xidada kor uga baxa ayaa waxa igaga jira wax aad moodid dhagax yar o aad u yar marka gacanta ku taabto ayan darema , markan taabtana wey i xanuuntaa , xininta midig hdii aan tabto ima xanuunto wana cafimad lkn xinta kale sida okale ma ahan mesha aad modo dhagaxa hadii aan tabto wey i xanuuntaa , waagan yaraa wey i xuun jirty xogaa markaan jogana wey i cafimadi jirtay lakiin hada wan ka la danahay marka waxan iskaga shakiyey xanuun aan halkan ka akhriyey Varicocele ona igu abuuray wal wal! maxana ku baabi inka raa dhagaxa yar i o adag o ku jira xininta bixidix xididadeeda?

wabilahi towfiiq, wajazakumullh khyr
Title: Re: Su'aal: Xididada xiniinta dhagax ayaa ku jira?
Post by: SomaliDoc on December 30, 2018, 11:55:25 PM
Kuuska aad gacanta ku taabanaysid waxaa laga yaabaa inuusan dhagax ahayn, hadduu Varicocele uu yahay ama xanuun kalba waxaad u baahan tahay in xiniinyaha lagaa saaro kumbuyuutarka "Ultrasound" si loo eego cillada jirta, kadibne talo lagaaga siiyo ee fadlan dhakhtar la xiriir.
Akhriso waxa laga wado Varicocele: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)