Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: SomaliDoc on November 10, 2010, 08:43:31 PM

Title: Tallaalka Qaaxada (BCG)
Post by: SomaliDoc on November 10, 2010, 08:43:31 PM
TTALLAALKA BCG (Bajillas Kalmette-Guerin)

Tiibisho (TB) waa cudur ay dhaliso bakteeriyada (la yiraahdo Mycobacterium tuberculosis). TB sambabada ayaa ugu caansan inkastoo noocyo kale ayey ku dhaci karaan meelkastoo jirka ah.
TB sambabada ayaa lays qaadsiiyaa markii dhibco ka mid ahi hawada raacaan inta aad qufacdid, hindhistid ama heestid. Dadka aad ugu dhaw ayaa neef qaadan kara (neef jiid) dhibicyadaas dabadeedna ku jiran kara.
Inta bada dadka qabaa ifafaalo ma baxshaan, balse dadyar ayey noqotaa TBda firfircoon sanooyin badan ka dib markii ay ku dhacday. Dadka jeermiga halista ugu jira waxaa ka mid ah:
♦ Ku nool ama u safra waddamada TB ay caadi ka tahay, tusaale inta bada Aasiya iyo Afrika.
♦ Shaqaalaha Gargaarka Caafimaadka iyo daryeelayaasha kooxda halista ugu jirta TB.
♦ Xigtada ugu dhawdhaw dadka qaba TBda.

Muxuu yahay Tallaalka BCG?
Tallaalka BCG waa tallaal noole ah ee bixiya ka hortagga TBda.
Tallaalka BCG kaama celin karo jeermiga haddiiba aad u bannaantahay jeermiga TB (jeermi), laakiin, waxay ka dhigtaa jeermi laciif ah oo kooban intii uu noqon lahaa mid nolosha Qatar galiya.
Waxay qaadan kartaa inta u dhaxaysa 6-12 toddobaad inta tallaalka BCG ay muuqan karto difaaciisa (badbaadin). Tallaalka BCG wuxuu tiibisho ka difaaci karaa 50-60% dadka qaarkiisna waqti ka bacdi way lumiyaan awoodda tallaalka, marmarka qaarkood 5-15 sano gudahood.

Caruurta ayaa aad uga faa’iidaysata.
Tallaalka BCG ee caruurtu wuxuu ka hortagi karaa cudurka TB dui nay ku korto, sida TB maskaxda (TBda garaadka). Faa’iidooyinka ay ka helaan dadka waaweyni ma cadda.
Waxaad u baahan doontaa Baaritaanka Haragga Tubarkulin (baaritaanka Mantokis) [Tuberculin Skin Test (Mantoux test)] tallaalka ka hor si loo hubiyo inaadan ka qaadin baaritaanka haragga tubarkulin jeerim horoo TB, ama kadib tallaalka BCG.
Dadka muujiya hubaasha baaritaanka haragga Tubarkulin kama faa’iidaystaan tallaalka wayna ka xanuunsan karaan halkii laga tallaalay.
Xumaanta tallaalka BCG waxaan weeyey badanaa mustaqbalka inuu ku muujiyo hubaal baaritaanka haragga Tubarkulin. Taas macnaheedu maaha inaynaan kala saari Karin in falgalku ka yimi jeermiga TB ama tallaalka BCG.

Dadbaa jira aan la siin Karin tallaalka BCG.
Dadka difaacoodu hooseeyo, kuwa hadda u jiran tusaale ahaan bubbuska, ama dhawaan laga tallaalay jadeeco lagulama taliyo in lagu tallaalo BCG.
Qof qof ayaa loo hubiyaa intaan la siin BCG waxaana lagaag baahan doonaa inaad saxiixdid warqadda ogolaanshaha tallaalka hortiis.

BCG iyo tallaalada kale nool.
U dhoofayaalka dibadda ee u baahan in kabadan hal tallaal, waa inay ama:
a) isku maalin qaataan tallaalada nool oo dhan, ama
b) dhaxaysiiyaan 4 toddobaad BCG iyo tallaalada kale. Taasi waa si loo siiyo jirka hab difaaca (difaac).
Tallaalada nool waxaa ka mid ah: tiifowga afka, cagaarshow, iyo qaamo-qashiir, jadeeco, qix-dheer. BCG iyo dabaysha oo afka laga qaato 4-toddobaad gudahood.

Waxyeello ma leeyahay tallaalka BCG?
Sida tallaalada kalaba, waxyeelihiisu way kala duwanyihii una kala duwanyihii dadka. Marmarna meeshii tallaalka ayaa casaata oo aad u xanuunta oo bararta. Dawo la’aan bayna iska roonaataa. Bararka qanjirada kilkilaha ama luqunta ayaa dhici kara, taasoo u baahan kadha daweyn.
Dhif-dgif ayuu tallaalka BCG u faafin karaa jeermi.
Badanaa waxay qabsataa arintani dadka difaaca jirkoodu hooseeyo sida kuwa qaba HIV, nafaqa darro hayso ama qaba jirro xun. Marmar dhif ah ayaase loo dhinta.
Maadaama aanay wada difaaci Karin halista iibishada waa muhiim in la ogaadaa ifafaalaha cudurka TBda firfircoon, sida: qufac joogto ah (Seddex toddobaad ka badan), quficidda xaako dhiig la socdo, xummad, dhidid habeennimo, caatow aan la garanayn iyo daal. Ifafaalooyinkaas sababo badan ayey ku iman karaan, balse haddii aad isku aragtid ifafaalooyinkaas la tasho dhaqtarkaaga bukaan-socod eegtada shafka ama dhaqtarka qoyska raajada shafkana ha lagaa qaado.

Maxaa dhacaya tallaalka BCG kadib?
Tallaalka dabadi, bar biyo-gashi cas (bar) ayaa hal ilaa seddex toddobaad ku muuqata. Biyo-gashigaasi inta jilco ayuu dilaacaa, iyadoo ay dad badan boogowdo. Boogtaasi waxay ku bogsoon kartaa ilaa seddex bilood, iyadoo calaamad kugu reebta.
Hababka soo socda ku dhawr meesha lagaa tallaalay:
♦ Ogolow inay iskeed isaga bogsootoweliba NADIIFI OO ENGAJI. Ha marin dufan iyo boomaato
♦ Haddii loo baahdo, faashad ku duub aan dhuuqsanayn balse HABA ku dhejin sharooto, dun ama dhar halkii la tallaalay
♦ Wax ku dhufashada iyo xoqidda ka ilaali goobta
♦ Waad wadan kartaa hawlahaagii caadiga ahaa sida qubayska, dabaasha iyo ciyaaraha.

Haddii aad qabto su'aalo ku aadan qoraalkaan halkaan ku weydii
SomaliDoc