Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abumuscab on August 20, 2015, 04:42:36 PM

Title: Su'aal: Maxa keena xusuusta qofka o yaraato?
Post by: Abumuscab on August 20, 2015, 04:42:36 PM
sc dhakhtirta iga rali noqtda hadii waydintayda mel an legu talagalin soo dhigay waxan wydiin laha dhakhatirta abahay aya hada ka hor waxa jug madaxa kagartay xidid aya go ay aya la yiri ,muda kadib waxa uu keney ilowsho hurdo badan isaga o dhibsanaya in u dadka lahadlo kaligii iska hurdaya hadal yar some times hadal ayu bilabaya faratada candhuuf aya ka da ayso marka xanunka muxu noqon koro somalia se dhakharte dawadisa lagala xirira kara hada ka hor mar ayan ugeyey dhakhtar nerfo wx isbadel wyna maleh wali.
Title: Re: Su'aal: Maxa keena xusuusta qofka o yaraato?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2015, 12:19:23 PM
Waxay u muuqataa cilald ka dhalatay jugta maskaxda gaartay, waxaa habboon in aabo la saaro qalabka MRI si loo ogaado dhaawaca maskaxda gaaray heerka uu la egyahay iyo meelaha uu gaaray intaba.
Haddii maskaxda jug gaarto way badali kartaa dhaqadhaqaaqa jirka, dabeecadda qofka, garashada iyo xasuusta iyo fahanka xitaa way saamayn kartaa intaba.
Meelaha jugta ay gaartay ayaa laga fahmi karaa dhibaatada la filan karo.
Dhakhtar aan kugula talin karo wadanka soomaaliya oo aan hadda garanayo oo arrintaa kaa caawin karo ma garanayo.
halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada dhaawacyada maskaxda gaaro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html)
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa xanuunka faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html)