Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on June 09, 2012, 08:06:30 PM

Title: Su'aal: Dalqada Ilmaha ka soo baxda, ma cudur baa?
Post by: CilmiSabca on June 09, 2012, 08:06:30 PM
Asc. Walaalayaal. Sln ka dib.
Dhakhtar, waxaan kaa codsanayaa inaad ii faah faahisid: Dalqada (dalqo:- afka guddihiisa, xagga dambe hilibka jilicsan ee ku yaala amma hilib-dalqo).
Marka ay ilmaha ka soo baxdo. Soo bixida Dalqada  ma waxa ay astaan u tahay cudur amma wax kale oo ku soo fool leh ilmaha?
Sidaas si la mid ah, goynta ay dalqada gooyaan Dhakhtaro-dhaqam meedku (iyagoo isticmaala bir af qaloocan oo wax jarta iyo qor fidsan oo birta taageera) ma tahay mid ku haboon daaweynta dalqada?. Ma-se laga hor tegi karaa dalqada?.
Waad mahadsan tahay Somalidoc.
Title: Re: Su'aal: Dalqada Ilmaha ka soo baxda, ma cudur baa?
Post by: Dr.Adnan on June 13, 2012, 03:00:50 PM
Badiyaa Soomaalidu Si khalad ah ayay u fahameen Dalqaha...

Xubintan ay jaraan oday dhaqameedada Caafimaad waxa loo yaqaan UVULA , Shaqo ay ku leedahay ma jirto Tan ay Dhakhtaradu Jaraan.

Caafimaad ahaan labada shay ee ku yaal Isla meeshan ee la jaro waa laba mid "Tonsils" iyo "Adenoids" Labadana mid walbaa waxa uu leeyahay astaamo gaar ah iyo sababo gaar ah oo keena goyntiisa.

Qaliinka lagu sameeyo labadan meelood waa ka dhib badanyahan Goyntan oday dhaqameedudu ku jaraan Xubintan khaldan ee UVULA..

Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri halkan ; http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html)

(http://www.infovisual.info/03/img_en/054%20Oral%20cavity.jpg)
Title: Re: Su'aal: Dalqada Ilmaha ka soo baxda, ma cudur baa?
Post by: CilmiSabca on June 16, 2012, 06:16:02 PM
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Dr. Adnan.