Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan hashim on June 20, 2017, 05:58:50 AM

Title: Su'aal: Anigoo jira 17 sano aa xiniinta midig ibararty?
Post by: Hassan hashim on June 20, 2017, 05:58:50 AM
Assalamu aleykum bacda salan wa mahad santihiin waxan rabaa in leyga shaafiyo arintaan anigoo jira 17sano aa xiniinta midig ibararty kadib waley gubay xiniinti wey shuuqday oo yaraaty kadib waan guursady anigoo jira 23 xanuun year aan kadaremy xiniintii kadib dhaqtar aan tagy wiisito kadib wuxuu dhahay way fcn tahy sidi logu talagaly waye kaniin uu isoo qoray alx xanun wn ka fcnhy lkn ani kuma kalsoni weli oo xiniinta tan kale wey ka jilicsantahy (FG markii waxaas igu dhaceen kadib waxaan isku arkay ineey xubinta taranka dhinac u qaloocaneyso mararka qaar marka maxaa sababi karo Dr?)thanks
Title: Re: Su'aal: Anigoo jira 17 sano aa xiniinta midig ibararty?
Post by: SomaliDoc on April 05, 2018, 01:45:36 PM
Xiniinta oo bararto kadibne shuuqdo waa cillad badanaa ka dhalato infekshan xiniinyaha ku dhaco oo loo yaqaano "Epidiymo-orchitis", horay ayaan qoraal ugu faahfaahinay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0)

Midda ku saabsan in xubintu qalloocan tahay wax dhib ah keeni mayso, haddiise ay ka dhalatay cilladii hore ama gubniinkii lagugu sameeyay waxaa laga yaabaa in dhinaca la gubay ama xiniintu ka shuuqday in qallooca uu jiro ama xubintu u qalloocato dhinacaas, taasina weli cillad xubinta kuma keenayso.