Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on March 14, 2016, 03:30:06 AM

Title: Su'aal: Xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah?
Post by: Diihaal Guuto on March 14, 2016, 03:30:06 AM
Asalaamu Caleykum dr.
Salaankadib waxaan qabaa su'aal ah.
Markii aan hurdo habeenki ama malinba mararka qaar baa waxaa hudada iga qasa xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah gaar ahaan janjirada melahooda, Waxaana lasoo boodaa qufac iyo dhibsasho badan oon dhibsanayo xantadaas dhuunta iga haysa.
Marka arintaasi ma xanuunbaa mise waa wax kale?
mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2016, 10:19:57 PM
Arrintaas waxay dhacdaa haddii calyada ama dheecaannada qanjirrada soo daayaan ay badan yihiin sida quumanka oo kale ama laabjeexa.
Qofka wuu ku sixdaa calyadaas ama dheecaannadaas, dadka qaar waxay caado u leeyihin dhareer badan, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0)