Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Edil on November 27, 2016, 08:33:31 PM

Title: Su'aal: Bog dilaaca?
Post by: Edil on November 27, 2016, 08:33:31 PM
Asc dhakhaatiirta sharafta leh Salan ka dib suaashayda waxay tahay bog dilaaca maxa keena ma hidaa mise waa xanuun iska iman kara da ma ku iman kara??waxan ahay Hooyo haysata laba caruur ah markan ilmaha kowad uurkiisa lahaa ayaa xundhuta dibaba isoo baxday sida caruurta xundubka leh waxan tagay dhakhtarka wuxu iisheeg ayaa inay wax iska cadiya tahay marka waa la igu qalay ilmihii alxm wn iska fiicaday,2 sano iyo bil kadib aya uurkii labad qaday biliihii u dambaysay ayan damqasho ka daremay xundhurta dusheda marku ilmuhu dhaqaqo kadib dhakhtarka ayan tagay wuxu igu idhi waxba ma qabtid muruqa ayaa ku dabcay jimicsi sameeyey markad dhasho ilmaha labad normal ayan u dhalay markaa halki aya damqasho ka dareemay dhakhtar uur ku jirta ah ayan u tagay wn u wara may ka dib wuxuu igu idhi waa bog dilaac qalin u so diyar garow,kuman qancin waxan tagay midkale wuxuu igu idhaa waa mar xalada naas nuujinta markaa calooshadu wey xidhantahay markaa arinkaa mxd igula talin lahaydeen idinkoo mahadsan jasaakalahu kheyr
Title: Re: Su'aal: Bog dilaaca?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2016, 10:39:31 AM
Eernada ama bog dillaaca waxay timaadaa markay murqaha caloosah dabcaan, kadinbe mindhicirrada ay soo galaan waxaa laga dareemi karaa dhowr meelood sida bogga, xudunta, saracda iyo meelo kalaba.

Waxay kaloo ku imaan kartaa qalliimada caloosha kuwaasoo dabcin kara murqaha, waxyaabaha keeno iyo siyaabaha loola tacaalo ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0)

Haddii aad arkayso kuus ama barar ka soo muuqdo meeshii hore ee lagaa qalay way dhacdaa inay eernada soo laabato, midda kale eernada ama bog dillaaca ma lahan xanuun joogto ah illaa in aad wax culus aad qaado ama jiirato mooyee, kadibne aad markaas ka dib dareentid.