Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yonishussein61 on September 13, 2018, 05:25:03 PM

Title: Su'aal: Codkayga oo gaaban?
Post by: Yonishussein61 on September 13, 2018, 05:25:03 PM
Assalamo aleikom doctor  magaceygu waa Yoonis aad ayaan kaagama mahadcelinayaa sida aad bulshadaada ugu adeegeysid allah hakaa abaalmariyo
Su'aadheyda hadii aan ugudbo waxaan isku arkaa codkeygu inuu gaabanyahay ama hooseeyo badanaane ay dhacdo markii aan dadka lahadlaayo ama lashekeysanaayo igusoo celceliyaan maxaad dhahday ama erayga 'yaah' mana qabo wax xabeeb ah ee maxaa sababi karo doctor
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Codkayga oo gaaban?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2019, 09:16:49 PM
Inaysan cillad ahayn oo caado kuu tahay cod gaabnida waa laga yabaa, laakiin haddii ay tahay arrin kugu cusub waxaa dhici karta xargaha codka sameeyay ee dhuunta ku jiro inay ku dabacsan yihiin, waxaa kaloo suuragal ah in bulsho ka duwan bulshada aad hadda la joogtid inaad muddo ku dhex noolayd oo hab hadalkooda ku saameeyay.