Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahnuunyar on December 13, 2014, 04:06:46 PM

Title: Su'aal: Xabad Xanuun?
Post by: Sahnuunyar on December 13, 2014, 04:06:46 PM
asc dhamaan dhaqatirta waqtigoda noo huray, su'aasha aan qabo waxeey tahay waxan isku arkay xabadka oo i xanuuna waliba mesha ku adan murqaha. Waxaan isku arka dhowr sano, waliba waxaan si fican u dareema markaa aan rucleyo ama ordo ama aan sii socod bobsiisa u socdo, xita hadan farta ku riixo waxaan dareema xanuun sida meel mugta oo kala. Xaga maqarka wax dhiba kuma arko ama meel fiito ah oo muqato. Dhaqtar ayaan utagay baritaan iyo su'aalo weydiin ka dib wuxuu ishegay in xaga wadnaha iyo beerkaba wax dhiba ka qabin. Sidaas oo ay tahay wali xanuunka waan dareema. Maxa keena xanuunka nucaan oo kala? mise jirta dawo lagu daweyn karo?. Calamadaha aan isku arakay waxa kamida -dhuun iyo saanka oo i caburma- markaan cadeysanayo subixiin mararka qaar waxaan isku arka burcad  kuusan oo midabka lagayga carabka fuulo u eeg ama cadeeys oo ureyso.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Xabad Xanuun?
Post by: SomaliDoc on December 18, 2014, 11:58:41 AM
Xanuunka aad ka cabanayso wejiyo baan ayuu yeelan karaa, iyadoo aan lagu wiisataynin oo aan lagu baarin lama ogaan karo, laakiin sida ka muuqato warbixintaada waa wax la xiriira feerha, ha ahaato xanuun dhuumaha hawada ah ama sanbabada ama murqaha / lafaha feeraha.

Fadalan qoraalkaan ka akhriso xanuunada ku dahca feeraha sida lagu kala sooco iyo waxa ay ku kala duwan yihiin si aad fikrad uga qaadato: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html)

Fadlan la xiriir Dhakhtar Guud si aad u ogaatid xanuunkaaga.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa