Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuuzuu on January 29, 2017, 05:13:29 AM

Title: Su'aal: Cirbad dhabarka la iiga duray markaan foolanayay?
Post by: Zuuzuu on January 29, 2017, 05:13:29 AM
Asc dr su aal murug igu heso ban raba ina ku weydiiyo dr wax dhabarka la iiga duray markan folanayay cirbid xanunka baa bi iso ay igu dhahen dhaqtirta xanunke kaa yarenesaa dadka qarna waxay ileyhn cirbidas ma fiicno waa halis dhabarka hadhow ayuu xanun kugu so bilawaya anigana waxas ma arko 3month ayaana sii maraya dr qer allha ku siyo iga so jwb plz jazakallh
Title: Re: Su'aal: Cirbad dhabarka la iiga duray markaan foolanayay?
Post by: SomaliDoc on May 12, 2017, 07:53:30 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cirbadfool.png)

Waa maxay cirbadda joojiso xanuunka foosha?
Cirbadaan waxay si kooban u xannibtaa dareenka xanuunka la dareemo xilliga foosha, waxaana loo yaqaanaa "Epidural block", waa nuuc ka khafiifsan cirbadda lagu suuxiyo qeybta hoose ee jirka markii hooyada lagu qalaayo ilmaha, waayadaan dambane aad ayaa loo isticmaalaa cirbadda joojiso xanuunka foosha, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 50% haweenka ku dhala yurub iyo maraykanka in cirbadaan codsadaan si xanuunka uga yaraado.

Dhibaatada ay leedahay cirbadaan waxaa ka mid ah:

Maxaa Talo Ah?
Maadaama ay dhici karaan dhibaatooyinka kor ku xusan, badanaa waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in cirbadaan la qaato markii hooyada ay tabar dhigto foosha darteed ama uurjiifka uu daalo si ay u nasato, laakiin badanaa waxaa cirbadaan codsado haweenka foolanayo dhakhtarka ka sokow, marka waa muhiim in hooyooyinka lala socodsiiyo cirbadaan iyo waxyaabaha la filan karo, dhakhaatiirtane ay taxaddar siyaado ah muujiyaan.

Akhriso qoraal ku saabsan qalliinka uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1103.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1103.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)