Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Cudurrada Qaliinka => Topic started by: SomaliDoc on March 28, 2008, 01:47:37 AM
-
(http://somalidoc.com/Topics/baabasiir.png)
Waa maxay Baabasiir?
Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.
Calaamadaha:
Calaamadaha lagu yaqaano waa:
- Cuncun agagaarka futada
- Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo
- Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib
- Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada
- Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon
Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.
Sababaha:
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu
dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la
xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah.
Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.
Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee futadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.
Cilad-sheegidda:
Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano. Weydii farmasiilaha la-talin, haddii aad shaki qabtidna u tag Dhakhtarkaaga.
Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada, waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu dhakhasaha badan ee suurogalka ah.
Daaweynta:
Dadka intooda badan ee qaba babaasiir waxay ku tahay khafiif ah waxana lagu daaweyn karaa daawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan kuwaasoo calaamadaha la isku arkay wax ka qabta. Babaasiirtu ugu dambeynta iyadaa iska tagi doonta daawo la’aan.
Babaasiirta ka timaada uurka caadi ahaan way iska tagtaa ka dib marka ilmuhu dhasho.
Calaamadaha waxa lagu daaweyn karaa daawooyin khafiifiya xanuunka, kuwaasoo badanaa qaabkoodu yahay labeen ama boomaato ama dabo-galis (suboosto).
Corticosteroids ayaa badanaa lagu labeeyaa daawooyinka xanuun-biiye goobeed ah waxana ay waxtar leeyihiin mudo gaaban (ilaa 7 cisho). Laguma taliyo in la isticmaalo mudo dheer ama lagu isticmaalo caruurta.
Marka babaasiirtu sidaa u sii daran tahay, waxa laga yaabaa in qalitaan ama daaweyn kale ay lagama-maarmaan noqoto. Babaasiirta oo qalitaan lagu jaro waxa la yiraahdaa babaasiir-jaris (haemorrhoidectomy). Babaasiirta inteeda badan laguma daaweeyo babaasiir-jaris, sababta oo ah hab beddelaad ah oo waxtar leh ayaa jira kaasoo ah ku-xiris duub rabar ah. Marka habkan la isticmaalayo, duub rabar giigsan ayaa lagu wareejiyaa qoorta babaasiirta si dhiiggii u imanayay ka joogsado ka dibna ay u ururto. Hababka kale waxa ka mid ah ku-duris daawo keenaysa in dhiiggu xinjirobo, burburis iyadoo la isticmaalayo baraf-ka-dhigid iyo daaweyn la isticmaalayo laysar.
Babaasiir-jarista waxa la isticmaala marka ay babaasiirtu weyn tahay ayna gudaha ku jirto.
Qalitaanka hawshii waxa ka mid ah xarig giigsan oo lagu wareejiyo salka babaasiirta si loo xakameeyo dhiig-baxa iyo xagga sare oo laga jaro. Taasi waxay keenaysaa inay jiraan qaybo gidaarka mindhicirka ah oon diir lahayn waxana qarin doona xuubka gudaha ee caadiga ah (epithelium) gudaha saddex ilaa afar todobaad. Inta lagu jiro mudadaan, waxa saxarada jileec lagaga dhigaa isticmaalka waxyaabaha biyaha xejiya sida ‘methyl cellulose’.
Badanaa natiijooyinka habkaa laga helo waa kuwo fiican, kaliyana tiro yar oo ah dadka laga qalay ayaa isku arka calamaadaha babaasiirta oo soo noqda. Inta lagu jiro mudada wax yar ka dambeysa qalitaanka, waxa laga yaabaa in ragga ay dhib ku noqoto kaadidu in mudo ah
waxana laga yaabaa in saxarada xoogaa la ceshan.
Ka-hortagga:
Ma jirto hab hubaal ah oo lagu joojiyo babaasiirta, laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta
babaasiir.
Talooyinka guud waa:
- Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)
- Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyay
- Cun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)
- Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga/rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah, ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay)
- Khamriga ka fogow
Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
Cuncunka iyo raaxo-darada ka timaada babaasiirta waxa lagaga nafisi karaa noocyo kala duwan oo ah dabo-galis (subooso) iyo labeen ama boomaato. Kuwaasii waa tallaabooyin lagu daaweynayo calaamadaha laakiin ma bogsiinayaan xaaladda ku haysata.
Fiistulada Dabada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html)
Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
Asalaamu caleykum salaan ka bacdi waxaan rabaa in aan wax ka ogaado cudur kale oo baabasiirka u eg oo lakin aan baasiir aheyn lakin ay aad isugu dhowyihiin "Ragadi anali" marka tilmaamihii dhaqtarku oo baabasiirka ka sheegeyna ay isku mid yihiin badanaa marka qaliin ayaan hal mar iskaga sameeye 3 sano ka hor lakin ilaa hada waa dareemayaa xoogaa xanuun marka waxaan raba lahaa hadii ay suurta gal tahey in aan helo dhaqtarka soo qorey qoralka basiirka in aan helo telkiisa si uu iiga jaahil bixya waana mahadsanyahey ilaahey kheyr ha ku abaal mariyo
by iid
-
"Le ragadi anali" Ama Sida lagu dhahaba Ingiriiska "Anal Fissure" waa xanuun u eg Baabasiirta, lakin waxaa lagu kala soocaa dhawr arrimood.
"Anal Fissure" waa dilaac ku dhacay maqaarka futada kaasoo keenay xanuun aad u daran markii la saxaroodo kadib iyo dhiig bax.
Dhaawacaan wuxuu dhashaa badanaa markii qofku isku dayo inuu soo saaro saxaro aad u dag, taasoo keenta in si dhib ah ay ku soo baxdo iyadoo dhaawac gaarsiisa maqaarka futada.
Dhaawacaan oo u diida qofka inuu saxaroodu maadaama uu wato xanuun aad u daran, iyo dhiig aad u gaduudan oo fresh ah taasoo qofka badanaa u maleeyo in ay heyso baabasiir.
Xanuunkaan oo loo daaweeyo qaabyo kala duwan ayaa waxaa ka mid ah in la qalo.
Innanzitutto occorre distinguere le ragadi anali dalle emorroidi. Le emorroidi sono vene varicose all'interno del retto in prossimità dell'ano.
Durante la defecazione l'ano si dilata per far passare le feci, e di solito la normale dilatazione dell'ano è sufficiente per eseguire questa funzione fisiologica senza sforzo e senza che la pelle si rompa. Ma se per qualche motivo l'ano si dilata troppo allora succede che la pelle in corrispondenza dell'ano si strappa e si rompe.
L'eccessiva dilatazione dell'ano è dovuta ovviamente a feci grosse e dure, ed in generale le persone stitiche sono soggette a questo tipo di inconveniente.
La rottura per strappamento della pelle dell'ano si presenta come un piccolo taglietto, da cui fuoriesce un lieve sanguinamento che si può osservare sia nel water che sulla carta igienica. Molte persone raccontano che di tanto in tanto (poche volte all'anno, in media) sono soggette a questo tipo di sanguinamento.
Occorre precisare che il sangue che esce da queste piccole lacerazioni della pelle dell'ano è rosso vivo (sangue fresco), mentre se si dovessero osservare sanguinamenti di colore rosso scuro questi sarebbero da attribuirsi a problemi ben più gravi di emorragia interna, di cui occorre informare subito il medico curante.
SomaliDoc
-
Asalaamu caleykum,salaan kadib DR. waxan jeclaan lahaa inaan wax ka ogaado dawooyinka fuddud oo lagu daaweyn karo baabasiir ka keena saxarada oo adkato, mahadsanid
-
- Cab ugu yaraan 8-10 koob oo cabitaanno maalin kasta. Cabitaanno diirran ama kulul ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in saxaradu ay si fudud kaaga timaaddo.
- Cun cuntooyin ay buunshuhu ku sarreeyaan sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudradda aan la karin, furutooyin freesh ama kuwo la engejiyey, naatiska iyo daangada. Buunshuhu wuxuu caawiyaa in saxaradu si fudud jidhkaaga u soo marto.
- Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid in aad xaddiddo farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan saxaro adayga.
- Cab buruun ama tufaax si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.
- Jir dhis samee si uu kaaga caawiyo in saxaradu si fudud kaaga timaaddo. Socodka si fiican ayuu wax uga qabtaa saxaro-adeega.
- Musqusha aad marka ay saxaro ku qabato si ay kuu dhaafto.
- Takhtarkaaga kala hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo miiska laga soo iibsado ama enemas.
- Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu soo jeediyo saxaro jilciye ama calool jilciye badan. Haddii aadan ka helin natiijooyinkii aad dooneysay, takhtarkaaga la hadal.
-
mahadsanid jawabtaada fasiixa ah walaal:) :)
-
ASC aad bad doctor umahadsan tahay sida qimaha iyo qayaha leh aad usharaxday Baabasiirta wadna kumahadsan tahay ilahayna cilmigagaga haku sa'idiyo su'ashaydu waxay tahay hadii uu qofku kudhaco laba jeer ama kabadan Baabasirtu waxay dadku yidhahdaan raganimada waxbay yesha oo xaskaaga uma hamadoonaysid. Marka waxan donayey inad iga soo jaahil sarto adigoo mahadsan.
Jazaakalaaah
-
Su'aasha jawaabteeda halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2969.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2969.0.html)
-
Aad ayaad ugu mahadsan tihiin dedaalkiinan.
-
asc waan salamay dr walal waxan aad ugu xanuun sadaa babasiirka mudo 3sano ah musqusha marka tago mar mar ayuu dhiig iga yimaada dhaqtar ayaan tagay qalin waaye u dhahay fiisikol aya ku haya i dhahay hadale dhaqtar kale aan tagay wuxuu i dhahay hadii lagu qalo 5 bil kasta qaalin aad u bahaneesa waan ku daalay sidan daqtar u aadayay dawada markan cunaa saxrada wee ii jilcan tahay marka iska dhaafo saxrada adeeg waaye dhabar xanuuna waan dareemaa iyo xanuun aad u daran hal ayaa igu yalay hada 2 ee noqdeen marka waxan kaa codsan lahaa inaa iga soo jaawaabto su'aashan waad mahadsan tihin asc
-
Hadduu baabasiirka uu gaaro heer ay daawo iyo cunidda cunno jilicsan aysan waxba ka taraynin, dhowr takhaatiirne ay kula taliyeen in aad u baahantahay qallin waxaan kugula talin lahaa in aad qaadato taladaas, maxaayeelay qalliinka baabasiirka maahan mid dhib badan waana lagu daaweeyaa, laakiin waxaa shardi ah in aad la xiriirto qof aqoon u leh xanuunka iyo qalliimadiisa.
Qof waliba uu sheeganayo in baabasiir uu daaweeyo ama gooyo in loo tago maahan oo waxaa laga yaabaa in uu isaga kuugu horseedo dhibaato hor leh.
Aad ayayna u buuxaan Soomaaliya dad sheegto in ay aqoon u leeyihiin cudurka baabasiirka iyo qalliinkiisa, qaarkoodne aysanba ahayn takhaatiir. marka taladayda waxaa waaye qalliinka dhib malahanee qofka ku qalayo hubso in uu yahay takhatar aqoon u leh baabasiirka.
-
aad iyo aad aya umahadsan tahay doctor jawabta iyo talada i siisay jazakumu lah qeyr asc
-
asc babasiirtu qandho maleedahay adinkoo madsan walal
-
Baabasiirka kaligiis ma keeno qandho laakiin wuxuu keenaa raaxo darro iyo xanuun, laakin haddii dhaawac uu jiro uu fashfasho ama caabuq qaado waa laga yaabaa markaas in aad dareentid qandho.
-
asc dr waxan ku weydina baabasiirka dhabar xanuun maleedahay. mida kale lugaha cagta hoose ayaa i hurto marka aan wax badan socdo ama aan taak naado marka baabasiirka ma kiino mise jiro kale waaye lugaha oo i huro cagta waaye.mahadsanidin.
-
Baabasiir xariir mala yeelan kartaa markii aad dirin diryo isugu timaado futada af keeda hore kadibna ee cun cun aad dareento oo laxogo xiliga saxarada taas oo aad Ka nafiseeyso cun cun Ka oo aad u bogeeyso xogitaan Ka nabar kii ee bahalaha yar yar oo cad cad (dirin diryo) ee sameeysay?
-
Hadduu baabasiirka cadaadismo oo meesha futada soo galo, waxay keentaa cuncun, laakiin waxyaabo kale ayaa cuncun keeni karo ee waa in lagu baaro oo saxarada laga baaro khaas ahaan gooryaanka cuncunka futada keeno ee loo yaqaano "Shoqosha"
Halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5851.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5851.0.html)
-
asc waan ku salamey doc iyo dhamaan umada somaliyed aad ayaad u mahadsantahey doc sida hagar la.ida ah ee aad umada somaliyey wax ugu faa.ideysid
su aasheyda hadaan u gudbo
doc waxaa ihaayo baabasiir hada kahor 2007 ayáan mar iska jarey alx waan ku fcnaadey inkastòo cabsi badan ka qabey qaliinka kadib illaa waqtigaa aad iigama fogeyn yacni wuu igu soo noqnoqdaa cudurku oo waxaan dareemaa markaan saxaronaayo banaanka ayuu usoo baxaa bararkiisa aan daremaayo in uu wax aan dhiig ku qiyaasey ey ku jiraan marka waxaan daremaa raaxo daro markaan saxaronayo waxaa ii weheliyo kaadida oo iyana raaxo daro kale leh iyo waliba mararaka qàar markaan niyeysto musqul waliba aan tago albaabka musqusha ama gudaha eyba iga soo fakato marka doctor waxaan kaa rabaa talo in aaad iga siisid waxii aan kula tacaali lahaa adigoo mahadsan waliba waan soo aqristey su.aalihii iyo jawabahaad ka bixidey dhamaan thanks asc
-
Asc Dr magaceygu waa cabdi xaji waxaan rabaa suall in aan ku weydiyo run ahaan tii waxaan iskaga shakiye babasiirka markii hore waxaan u tagay dakhtar waa oo fiiriye waxo igu dhahay waxaad qabtaa babasiirka waxona i dhahay waxa tahay qaliin run ahaanti dacad baan iska ahaan wax xanuun ah ma aqaan qabin oo aheyn wadna garaac iyo lafaxanun qalìinkii ba la igu sameyaya badaded mudo hada laga jogo 5 bilood ayaa ka so waregatay marka waxaan isku arkay xanuun ah in ay idikameyso meshii qaliinka lagu sameyay iyo mararka qaar aan dareemaayo in ay wax mudayaan cml waxana ka dareema maskaxda awalna ma aan qabi jirin dikankaas iyo xanunkasi aan maskaxda ka daremaayo dakhtarkii baan u naqday waxaan ku irin sidan baan isku arki waxow igu dhahay wan firinaaa waxaan dhahay ok dabed waa u firiye waxow dhahay melyar oo gaduudan ayaa jirto lesar ayaan ku gubayaa ee diyar ma u tahay aniga e wan ka baqay waxaan is dhahay amoo dhib kale oo ka yimadaa marka Dr maxaa illa gudbon oo aan sameyaaaa adiga oo mahadsan
-
asc Dr marka adbad u mahadsan tahy
safar ayan galay ilaa 15 sac ah laba jeer oo isku dhow somalia gudaheda
malinti safarka ka danveysay waxaan isku arkay cuncun dabada ah
malintii labad oo manta ah saaid ayu noqday wan xoqxoqay
dhinac aya so bararay wax yar ka dib
hada balal ayaan daremayaa
waxan isaga shakiyay babaasiir
e mxad talo I siinaynaa
wa xalad dagdag ah
fadlan sida ad janiska ugu dhow u hesho iiso jawaab
maxaan kaga hortagaa