Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on March 29, 2011, 11:40:52 AM

Title: Su'aal ku saabsan allergic
Post by: Barkhat on March 29, 2011, 11:40:52 AM
walaal marka hore waan idin salaamayaa dhamaantiin marka xigta waxaan doonayaa in aad ii sharaxdaan su'aalahan hoos ku qoran idinka oo mahadsan:

walaal su'aashayda ugu horeysaa waa dawada ceftriaxone injection qofkii allergic ku leh ee marka lagu duro caarooda ama cadanyooda ma lagu duri karaa dawooyinka penicillinase-ka mise haduu ceftriaxone-ta allergic ku yahay penicillin-tuna waa la mid oo laguma durikaro? mase jiraa qof labadaas maado midkood allergic (sensitive) ku leh oo nooca kale qaadan kara 'tusaale ahaan: qof lagu duro penicillin ama afka ka qaata oo aanay dhibaato ku keenin, ceftriaxone dhibaato maku keeni kartaa?
walaal waad mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal ku saabsan allergic
Post by: SomaliDoc on March 30, 2011, 01:58:57 PM
Penicillin iyo Ceftriaxone is ku daawo ma ahan isku sina u ma shaqeeyaan, qasabne maahan haddii mid aad ku xajiimootay in midka kale aad ku xajiimoonaysid.

daawada penicilineka oo allergic lagu noqdo ayaa caan ah oo dad dhif ah ayaa allergic ku noqod daawada ceftriaxone.

Waxaa dhici karta in yar oo badnayn in labada daawo ay ku yihiin allergic taas oo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Allergic Cross-reactivity"

Laakiin waxay takhaatiirta qaar ay sheegaan in dadka allergic ku ah daawada penicillin 10% oo ka mid ah in ay allergic ku yihiin daawada ceftriaxone tiradaasina maahan mid la xaqiijiyay.
Title: Re: Su'aal ku saabsan allergic
Post by: Somali_Nabad on April 01, 2011, 10:48:32 AM
aniga oo fursadan ka faa'iidaysanaya waxaan doonayaa su'aal la xidhiidha isla mawduucan ku saabsan ceftriaxone iyo penicillin waxaan doonayaa in la iga jaahil saaro
fargiga u dhexeeya ama kala duwanaanshaha amoxicillin iyo ampicillin waxa uu yahay maadaama labaduba yihiin penicillin group?
sidoo kale waxaan u baahanahay oo kale ceftriaxone iyo cefataxime iyagana maxaa u dhexeeya ama ay ku kala duwan yihiin?

waad mahadsantihiin my doctors
Title: Re: Su'aal ku saabsan allergic
Post by: SomaliDoc on April 02, 2011, 06:37:32 PM
Labada daawo ee Amoxicillin iyo Ampicillin waa antibiotic waana isku mid inta aan ka ahayn farqi yar.
Amoxicillin ayaa ka caaansan ampicillin, xagga ka dhuugista habdhiska jirkane isagaa ku wanaagsan.
Ampicillin waxay awood u leedahay in gidaarka bateeriyada Garam positive iyo qaar Garam negative ah in ay ka gudubto meesha Amoxicillin uu joojiyo samaysanka gidaarka bakteeriyada.

Markii loo yimaado xagga qaadashada daawada, Amoxicillin wuxuu caan ku yahay in afka laga qaato meesha Ampcillin laga qaato xididka ama muruqa inkastoo isagane laga qaadan karo afka.

Daawada Amoxicillin markii kaniini 500mg ay tahay 3 jeer ayaa la qaataa 24tii saacadood.
Daawada Ampicillin markii kaniini 500mg ay tahay 4 jeer ayaa la qaataa 24tii saacadood.

Labada daawo ee Ceftriaxon iyo Cefotaxime waa jiilka 3-daxaad ee cephalosporins kuwaasoo loo isticmaalo caabuq noocyo badan leh.

Labada daawo waxay shaqo ka qaban karaan bakteeriyada Garam psitive ee oksajiinleyda ah iyo bakteeriyada Garam negative noocyadooda kala duwan.

Waxaysan daawooyinkaan aysan wax ka tari karin bakteeriyadaan: Staphylococcus epidermidis, enterococci, literia monocytogenes, acinetobacter, bacteroids fragilis iyo koox yar oo ka tirsan bakteeriyada pseudomonas.

Daawada ceftriaxone waxay jirka ku jirtaa markii la qaato muddo dhan 8 saac illaa 16 saac meeha daawada cefotaxime jirka ku jirto 60 daqiiqo illaa 2 saacadood kaliya.
Saa darteed daawada ceftriaxone waxaa la qaataa hal mar 24tii sacadoodba meesha daawada cefotaxime la qaato 4 jeer 24tii saacadoodba.

Labadaan daawo waa antibiotic-ska ugu fiican ee maanta dunida yaallo maadaama ay caabuqyo kala gadisan ay wax ka tari karaan, waxyeello badanne aysan reebin, daawooyin cusub oo jirka adkeysi u yeellane ay yihiin.