Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Osobow on April 17, 2017, 12:29:24 AM

Title: Su'aal: Waxaa leeyga helay qaaxo waana markii labaad?
Post by: Osobow on April 17, 2017, 12:29:24 AM
SLN kadib waxaan qabaa so,aal ah
Waxaa leeyga helay qaaxo waana markii labaad horay anigoo jooga 2002dii somalia ayaan ka qaatay 7bilood waana ka bogsaday markaasne wxaan isku arkay dhiig Ku imaanaayo qufac

Hadane sanadkan 2017ah ayaan mar kale isku arkay dhiig sidii markii hore Ku imaanaayo qufac waliba zaaid ah oo ka badan kii hore aanan joogsaneyn waxaan iska qàaday xaako iyo raajo waana leeyga helay waxeey iisoo qoreen cirbado 60 maalin ah iyo kaniini ah 3xabo maalintii ah miisaankeygu waa 52kg

Hadaba xanuunkan sideen uga bogsan karaa maxaase soo celiyo maxeeysa tahay daawada ugu haboon  maxaase IGA reeban oo tallo igu siin laheed

Fg: fadlan qolada daawada isiisa wax wacyi gelin ah IMA siinin oo waxeey ka baqaan in loo gudbiyo cudurka durbaba bax ayeey kuleeyihiin ee tallooyin buuxa isoo sii thnks

Title: Re: Su'aal: Waxaa leeyga helay qaaxo waana markii labaad?
Post by: SomaliDoc on August 09, 2017, 10:50:48 AM
Qaaxadu waa cudur laga bogsado, laakiin wuu soo laaban karaa muddo kadib hadduu qofka la kulmo jeermiskii mar kale, difaaca jirkiisane uu yar yahay, waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado in markii hore aad ka wada bogsatay oo tani tahay soo laabasho oo aysan ahayd qaaxada u adkaysata daawada ee loo yaqaano "MDR", fadlan si aad warbixin iyo wacyi gelin buuxda uga heshid xanuunkaaga waa muhiim inaad labadaas qaaxo kala baratid, ka akhriso halkaan: