Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasteha Ahmed on May 13, 2017, 11:40:10 PM

Title: Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?
Post by: Nasteha Ahmed on May 13, 2017, 11:40:10 PM
Asc Dr: waadku mahadsantihin wacyigalinta iyo latalinta caafimaad ee bulshada.

Dr waxan u baahanhy in information aad nagasiiso caano booraha iyo caanaha lo'da ee saafiga yaa carruurta caafimad ahan iyo waxtarba u faa'iido badan?

Badanaa dadka qaar waxey dhahan caanaha lo'da cudur ayey ka qaadan carrurrta maadama aysan jirin dhaqaatiir baarta caafimadka xoolaha somalia sidaas darteed waxa jiro hooyoyin badan oon anigaba ugu horeeyo ee carruurtooda siiyo caano boore inkastoo caano boorahaba ay yihiin caano laso warshadeyey. Maxad kula talineysa hooyooyinkaas. Aad ayad u mahadsantihin bahda Somalidoc.
Title: Re: Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?
Post by: SomaliDoc on October 25, 2017, 08:31:35 PM
Mar walba waxaa fiican oo waxtar badan caanaha saafiga ah ee xoolaha, laakiin waa qasab in la karkariyaa si jeermiskii cudurka gudbin lahaa loo dilo, akhriso qoraal ku saabsan qaabka ugu haboon ee caanaha loo karkariyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6653.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6653.0)

Haddii aanan laga helin caano dabiici ah meesha aad ku nooshahay ama aad ka cabsanayso inaysan saafi ahayn, waxaa haboon inaad caruurta siisid khaasatan kuwooda yaryar caana booraha iyaga loogu tala galay oo ka duwan caana booraha ganacsiga loo keeno oo dadka waawayn cabaan.