Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Honestboy on May 19, 2012, 01:39:19 PM

Title: Su'aal: Dhuunta Oo ixanuunto Daqiiqado Kadib 'Dhuun Xanuun"
Post by: Honestboy on May 19, 2012, 01:39:19 PM
ASC WRB Salaanta islaamka kadib mahad alle ayee u sugnaatay kasokoow waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta qaaliga ah ee ku howlan sidee bulshayoowgooda u gacan qaban lahaayeen intaa kadib  waxaa leyga haayaa dhuunta mararka qaar xidida dhuunta dhan ayaa ila xanuun waa xanuun guurguuraa mar mar iney wax kuusan igu taaganyihiin ayaa mooodaa marmarna xanuun dhamaan xididada laxiriirina waa ixanuunaan markii aan wax cunayo ama liqayo ima dhibaan waa caadi fadlan inaan wax badan ka ogaado ayaan rabaa xanuunkaas wuxuu yahay iyo sida lagu daaweyn karo.
Mahadsanidiin
Title: Re: Dhuunta Oo ixanuunto Daqiiqado Kadib 'Dhuun Xanuun"
Post by: SomaliDoc on May 20, 2012, 01:19:07 PM
Walaal waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid takhtar ku taqasusay cunaha si laguu fiiriyo, laguuna daaweeyo.
Cuna xanuun waxaa keeni karo cudurro badan oo uu ka mid yahay quumanka, cuna-xanuunka bakteriyada keento ama fayraska, nabar ka soo baxay, dhuunya ama qanjir barary.

Intaas oo dhan waxaa lagu kala garan karaa in lagu wiisiteeyo kadibna baaritaan haddii u baahan tahay laguu diro, hadii u baahan tahay qoraal ka sheekeynayo cuna xanuunka halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,504.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,504.0.html)
Title: Re: Su'aal: Dhuunta Oo ixanuunto Daqiiqado Kadib 'Dhuun Xanuun"
Post by: Honestboy on May 20, 2012, 04:57:15 PM
ASC AAD baan ugu mahad celinayaa dhaqtarka sida degdega ah uu iigu soo jawaabay ilaah qeyr ha siiyo waan fahmay intaad sheegtay aniga quuman ayaan qabay oo waxaan cuni jiray kaniiniga baktariin-ka marka kaniinigaas dhibkaan ma iikeeni karaa, teeda kale shaaxa aad baan u cabaaa. dhuuntana daqiiqado kadib wey ixanuuntaaa mar mar sida masas iney ku dhex ordayaan cml marmarna wax kuusan iney igu taaganyihiin