Somali Medical Forums
Medical Student Forums => Questions, Exams & Study tips => Topic started by: Hana/ on January 08, 2009, 01:11:12 AM
-
Hello everyone,
It will be really helpfull if one of our docs could with me out this Somali medical terminology.
Thank you so much
-
Welcome Hana to the SMF!
I am happy to tell you that We are about to upload our ready English-Somali Medical Dictionary to be searchable online...
We will inform you the updates later..
If you are hurry & have certain terminologies which you want them to be translated for you we can do it thru here...
Thanks
Dr.Mahdi
-
Thank you so much Dr.
The following are the terms that I need to be translated.I have alot more,but I wouldn't be able to poste all of them.
Once again thank for your time in advance.
Admissions desk,AdrenPenicillinaline,Bee venom,Band-aid,Bone splint,Intensive care unit,Pass out,Pollen allergy,Prescription,Numbing pain,
Sinus infection.
I know most of these terms, but i have no idea how to translate into somali medical terms.. I'm looking for word to word translation.
-
Erayada caafimaadka qaar badan oo ka mid ah sidooda ayaa loogu isticmaalaa luqad kasta, mana laha erayo u dhigma sida ereyadaan "adrenalin, hormone iyo pnicillin".
Erayada noocaan ah waxaan ka bixinnay sharaxaad si loo fahmo marka qofku isticmaalayo. (la soco qaamuuskeenna)
Admissions desk : Miiska qaabilaadda bukaanka
Bee venom : Sunta shinnida
Band-aid : 1)Kooxda gargaarka 2)Sharootto, Bandaajo, Faashad koollo leh)
Bone splint : Kabniin
Intensive care unit : Qaybta daryeelka hawsha culus ee badbaadinta bukaanka
Pass out : Suuxdin, Miirdaboolmid
Pollen allergy: Xajiinta Faxalka
Prescription: Rijeetto, Qorida daawada
Numbing pain: Kabuubyo
Sinus infection: Caabuqidda jeebabka sanqaroorka (sinusitis)
La soco wixii intaa ka badan qaamuuskeenna oo aan ku soo bandhigi doonno halkaan.
Dr.Mahdi
-
Mashallah Dr. Mahdi. For a while I thought it's chinese!!
looking forward to learn more somali words. Amazing job walahi!
still can't even read this one "Caabuqidda jeebabka sanqaroorka" ???
-
Dr. Mahdi,
Aad ayaad ugu mahadsantahay caawintaada.Goor maad u maleeyneeysaa in aad somali ahaan ku soo qoreeysaan?
Jizakalaah qeyr
-
Sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan ku soo gudbin doonnaa qaamuuskaan, waana la wada socodsiin doonnaa xubnayaasha oo idil.
Qaamuuska waa diyaar, lakiin waxaan ku mashquulsannahay sidii aan idinkugu soo bandhigi laheen qaab sahlan oo aad u baaran kartaan webka dhexdiisa.
Thanks
-
Waxaan u baahanahay wax lagu maqlo (audio file) ku saabsan erayada caafimaadka af soomaali. Mid ma jira?
Haddii kale waan rabaa inaan mid ka caawiya.
Fahiima
-
princes munira
hadii aan kuu sii jilciyo eray-bixinta aad mar labaad fahmi weysay waa sidaan
sinus infection:- waa cudur ku dhaca daloolada sanka.
caabuq= cudur=xanuun=infection=virus
jeebabka=dal-daloolka sanka
sanqaroor= waa lafta ama tuubada soo qaada hawada.
waa cudurada ku dhaca daldaloolada sanka. sida sanboorka iwm.
ama si kale u dheh
waa amar-diido ka dhex dhaca sanka.
-
wow this is interesting..i also do struggle with putting across medical infor in somali.
Shukran Dr Mahdi..I would like to know the translation of the following plz if possible..
Crown of a tooth
Root of a tooth
root canal treatment
A restoration(filling)
abscess
Jazak-Allah...is there a som dental dictionary??
-
Salaam All,
maxaa isfilito lagu dhahaa English?
mahadsanidiin dhamaan
-
salaamu 3alaikum
Waraaboow [bajo, isfiilato] = syphilis
Cagaarshoow = jaundice....more commonly known as hepatitis
Jadeeco = measles
Busbus = chickenpox
Furuq = smallpox
Oofwareen [koolboaariyo] = pneumonia
Dabeesha = polio
Xaaqo, Qaaxo[tiibisho] = TB
Duumo [malaariyo] = malaria
Qandho [feebaro] = fever
Sokoroow = diabetes
Dhiigkar = high blood pressure
Madaxfurad = migraine
Hargab [ifilo] = influenza, cold, flu
Neef = asthma
Gaastariiko = ulcer
Qoorgooye = meningitis
Juudaan = leprosy
Daacuun = cholera
Shuban = diarrhea
Cuncun [isnidaamis] = herpes
Bahaloow = rabies
Tufoow [tuf] = rheumatic
Kud = anthrax
Teetana = tetanus?
Indhagaduudoow [indhacaseeye] = yellow fever
Qalal = epilepsy
Dhiigyaraan = anemia
Aragbeel = glaucoma
Sanboor = sinus
Kaadidhiig = hematuria
Dheefshiidxumo = dyspepsia
Iskudhexyaac maxkaxdeed = schizophrenia
Xinjirwaa = hemophilia
Biyodhac [indhaha] = cataract
Axaldhiiga [disantariyo] = dysentery
Baabasiir = hemorrhoid
Dhiigcadaad = leukemia
Dhagaxkalyood [dhagaxgal kili] = kidney stone
Pancreas = Beeryare
Large intestine = Mindhicirweyne [waana la dhihi karaa xiidmo, weyn iyo yarba]
Small intestine = Mindhiciryare
Uterus = Ilmagaleenka
Bladder = Kaadiheys
Vein = Xiddidka
Artery = Halbowle
Gland = Qanjir
Tissue = Xubin
Abdomen = Uusleeyda ama calooleeyda
Pharynx = Dhuunta
Larynx = Codkeene???
Esophagus = Dhuun
Vertebrate = Lafdhabar
Spinal cord = Xangule ama lafdhabarna waala dhihi karaa
Appendix = Qabsin
intaas ha inoo joogto, waxii khaldana wa la sixi karaa
hope this will help
-
Thanks for ur effort brother
I disagree with some of ur translations , So I put the ones I think they r more suitable ,,,
Daacuun = Plague ,,,,,Cholera = Soomalida waxay tidhaa koleera amase shuban biyood
Isnidaamis = Scabies
Aragbeel = Blindness ------Cannot specifically denote glaucoma
Vein = Aroore
Artery= Halbawle
Vessel = Xidid
Xinjirwaa = Hypo-coagulation -----Cannot specifically denote Hemophilia other causes are prevalent e.g
Van-willebrand disease.
anyone u can correct me if i am wrong.
-
thanks for your correction bro(Dr Adnan) and i agree with you all of them!!!!
waxaana ku darayaa
spleen= Ganac
fadlan qofkasta waxii uu ka garanayo jirooyinkaan ha ka micneeyo
Abeesoow
Aflaaqo
Ajaro
Araarad
Bajo
Barraaqdo
Baruurad
Beerkurus
Beerxaaw
Biijo
Buulalo
Caanogocato
Cadanyo
Caddaadka
Cagagi
Carabbarar
Cusbo
Daaf
Dabdhul
Dameerow
Doog
Dhalmogeri
Dharbaano
Dhibib
Dhicin
Dhulax
Faraatikeen
Fujo
Futoqarar
Geestaan
Geestahanyo
Goonjab
Gurguurato
Haaro
Hano
Hayaamiso
Himish
Hinjibiso
Hannog
Hoolato
Horudhalow
Hud
Hure
Hunnug
Ifilo
Jacjacle
Jajabow
Jildhaaf
Kabrar
Kirkir
Kubodhagaxoow
Kuududshe
Laan
Labacaraboow
Ladaadyo
Lafoweyneeye
Laleemo
Libaaxoow
Liidaanyo
Majinow
Man-dheelli
Maroodiyoow
Nudub
Ooro
Qaarjeex
Qalaboodi
Qaras
Qardaw
Qodax
Qoon
Qun
Rigaax
Rimaywareeg
Roobsugoow
Sambabfaraq
Sinyaro
Sunbay
Surati
Taag
Togtog
Urugo
Uuryaal
Wareento
Weled
Wiirshe
Winiin
Xaliib
Xammo
Xawaad
Xundub
Yirid
-
Asalamu caleykum dhamaan and Ramadan Kariim
Isfilito maxaa lagu dhahaa English.. Esphiles? mase waa qalad?
Mahadsanidiin dhamaan
-
Asc dhamaan walalah, isfiilito waa syphylis. aad baad umahadsantihiin intiina soo gelisa ereyada caafimaadka ee somaliga iyo inta tarjuntaba, aniga nafteyda waxaan haaye ereyo badan, inshalah waxaana iksu dayaa inaan soo geliyo. keep it brothers and ramadaanka halaga faaideesto.
-
Isfiliito waxa afka ingiriiska loo yaqaan "Syphilis" Afka soomaligana waxaan filayaa in la yidhaa Waraabaw.
Laakiin Arrinta mudan in farta lagu fiiqo waxa weeyi in dadka Soomaliyeed Isfiilito u adeegsadan dadka marka xiskoogu is dhimo, Erey bixintaasna waxa aad u adeegsada dadka ka soo jeedo koonfurta soomaliya gaar ahaan magaalada muqdisho. Laakiin Isfiliito ama waraabawgu waa cudur galmada la iskugu gudbiyo waxa uuna leeyahay sadex marxaladood
1- Nabaro ka soo baxo xubnaha tarabka ( inta badan nabaradaasi maaha qaar wax xanuun ah leh)
2- mudo kabacdi waxa ay nabaro ka soo baxaan meelo kale oo jidhka ah gaar ahaan baabacooyinka iyo calaacasha
3- Marxalada sadexaad oo cudurka u gudbo mudo aad u badan dabadeed (gaar ahaan sanado kabacdi) ayaa iyadu keenta xiska "garaadka" qofka oo isdhimo dadka qaarkoodna lagu tilmaami karo in uu waalanyahay.
-
Asc, Im Very happy to see this names for conditions get translated into somali,as many of the somali names are new to me eventhough i know them in english.
I was wondering if anyone knows if there is a name in somali for pituitary gland and also for hormones.
Much appreciated.
-
wacalayumu salaam
Gland= Qanjir ama Qanjidh
hormone=hormoon
hormones=hormoonno(dheecaan ay xubno kamid ah jirka sameeyaan oo dhiiga u raaco meela kale oo uu ka hal galo)
Pituitary galand waa qanjir yar oo ku dhegan maskaxda soona daaya hormoonno.
Hypopituitarism ama Low pituitary waa shaqada qanjirkan oo yaraata kadibne ay hoos u dhacaan soo denynta hormoonnadaas.
Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa aabaha qanjirrada ahmiyadda uu leeyahay dartiisa iyo wuxuu xukumaa shaqanynta qajirrada kale ee jirka.
I hope that will help
-
Wow this is really helpfull please make the Somali lil easy so other ppl oo somaliga waa weyn aqoon say u fahmaan thank u.... I like the buy Somali dictionary is there any where I can get??
-
Aziz, Please visit the link below, they've already posted news about English-Somali Medical Dictionary:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3348.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3348.0.html)
-
thanks guys wax fiican bad no fa'ideyseen..
Mid aan ka saxo guleed ...sanboor=Sinusitis bad kawada ban u gartay
Hadana Isfilito waxa somaliga lagu dhahaa syphilis
-
Biijo=angular stomatitis