Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Diagnostic on December 11, 2007, 02:25:25 PM

Title: Cudurka Ebola iyo Uganda Maxaa Kala Haysta!!
Post by: Diagnostic on December 11, 2007, 02:25:25 PM
Cudurkaan oo lagu tiriyo cudurrada ku caan baxay qandho dhiig dureerka, ayaa ku faafay gobolo ka tirsan dalka Uganda, kaasoo ilaa hada dad badan laayay qaarne isbitaalada u jiifaan.

Gobolada uu aad ugu faafay waxaa ka mid ah gobolka loo yaqaano bundibugyo, kaasoo ilaa hada ay ku dhinteen 29 qof 113 kalane ay cudurka la iil daranyihiin, kuwaan oo ah kuwa isbitaalada yaala inkastoo tuulooyinka laga sheegayo cuduro calaamadahaan oo kale wato.

Tani ayaa keentay inay dadka ay ku abuurto walwal iyo dawladda oo cabsi galisay shacabka oo ku amartay in iskoolada iyo jaamacadaha la xiro lagana fogaado qofkii cudurkaan ku dhaco.

Taasoo keentay in dadka muslimiinta aan loo ogaleen inay maydkooda dhaqdaan si looga fogaado inuu cudurka gudbo, isbitaalada qaar ayaa dadkii ka carareen iyagoo qaar ka mid ah ay weli faleebooyin ku xirnaayeen markii ay ka warheleen in dad cudurka ebola qabo la keenay isbitaalka.

Waxa dhibaatada sii kordhinaya ayaa ah in isbitaaladaas aan loogu tala galin in lagula tacaalo cuduradaan sida aadka u faafo taasoo keentay in dhakhtaro iyo kalkaaliyaal uu cudurka ku dhaco.

Mida kale xarumaha laga sameeyay gobolada qaar ayaa ka cabanaya cunto yari haysato si ay bukaanada u quudiyaan maadaama ahaladoodii ay u diideen inay soo booqdaan.

Arday somaliyeed oo jaamacado ku yaala gobolada cudurkaan ka dilaacay ayaa u cararay dhinaca caasimada ee kampala markii jaamacadaha loo xiray.

Diagnostic
Title: Re: Cudurka Ebola iyo Uganda Maxaa Kala Haysta!!
Post by: Waxbaro! on December 18, 2007, 01:57:00 AM
This is what happen when you don't have Disaster Control Planning!!!
Arrangements can be made before any incident and they can be thought through to ensure a swift and effective reaction and this quick reaction will minimize disaster deterioration.

You can control Ebola through a variety of measures:

.

Waxbaro!