Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fahmo on June 20, 2015, 04:18:55 PM

Title: Su'aal: Wareer iyo indha madoobaad marka aan istaago?
Post by: Fahmo on June 20, 2015, 04:18:55 PM
asc  walahayga muslimka ah aad ban idin slamaya salaan ka dib waxan raba in aan waydiyo dhakhtarka su aal  taaso ah waxan dareema wareer iyo idha madobad  markan foorar ka so tooso iyo marka aan si degdega u istago oyadoon ku sigto maraka qaar in aan diido . halka dhakhtarku uu ii sheegay inay shiigagaygu normal yihin.wadnahuna wuu ii garaca si dacìif ah mararka qar lkn ma badna waxa kaloo jirta in mudo laba sana ah aan iska xabeebsado bila sabab halka in yar mooye inta ugu badan aan xabeebta dareemo waan garan wayay sababta igu keentay ciladahan wan jeclan laha haday jirto sabab inad ii sheegtan idinko mahadsan wcs
Title: Re: Su'aal: Wareer iyo indha madoobaad marka aan istaago?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2015, 05:27:24 PM
Astaamaha aad dareentay ee kala ah, wareerka, indho-damaadka iyo miisaanka uu kaa lumo ama aad dhaqaaqi wayso inta aad caadi ka noqonayso iyo wadna garaac siyaado ah intaba waa calaamad cadaadiska dhiigga oo dhacsan.

Cadaadiska dhiigga markuu dhaco, qulqulka dhiigga ee maskaxda ayaa yaraado, kadib waxaad dareemaysaa wareer iyo indhaha oo ku madoobaado, kadib wadnaha aad ayuu u garaacmaa si cadaadiskaas dhacsan kor ugu qaado, waxuuna qofka dareemaa wadna garaac siyaado, gacmaha iyo lugaha oo qabow noqdo iyo dhidid badan oo ka yimaado, kadib cadaadiska dhiigga wuu saxmaa, qofkane xaaladdiisa caadi ayay ku soo laabataa.

Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco waxaa keeni karo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay, hadduu qofka fuuq baxsan yahay, xanuunsan yahay ama cillad jirro kale ay hayso.

Sidaas awgeed waa muhiim in qofka la ogaado waxa u keenayo dhacsanaanta cadaadiska dhiigga haddii ay ku soo laalaabato ama joogto u noqoto.

Waxyaabaha ugu caansan ee dhibaatadaan keena waxaa ka mid ah:
1- Uurka
2- Cilladaha wadnaha
3- Cillad hormoonnada la xiriirto
4- Dhiig bax
5- Infekshan xad dhaaf ah iyo dhiig sumowga
6- Allerji ama xasaasiayd siyaado ah
7- Nafaqo darrida
8- Cudurka gaaska / gaastirikada
9- Daawooyinka qaar

Dhacsanaanta cadaadiska dhiigga wuxuu u kala baxaa dhowr nuuc, waxaa jira mid la xiriira istaagga kaliya iyadoo cilald kala jirin waxaa loo yaqaannaa "Postural Hypotension", waxaa jiro mid la xiriiro dharagta, waxaa loo yaqaanaa "Postprandial hypotension" iyo kuwa kalaba.

Sidaa awgeed waa muhiim in la ogaado cilladaan waxa kuu keenay, waxaa laga yaabaa xabeebta aad ka cabanayso iyo cadaadiska dhiigga inay isl xiriiraan, tusaale ahaan haddii aad cilald ka qabtid qanjirrada thyroid-ka oo soo daayo dheecaannada jirka u baahan yahay, labadaas cilald waad isku arki kartaa.

Haddii cilladahaas kore aysan jirin waxaa laga yaabaa inuu tahay arrin kumeel gaar ah oo iska baab'i karto, waa inaad markaas badisaa cabitaanka sida biyaha oo kale.

Taladayda waa in aad la xiriirtaa dhakhtar si laguu baaro, talane laguu siiyo.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah aad qabtid waad na soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Wareer iyo indha madoobaad marka aan istaago?
Post by: Fahmo on July 23, 2015, 01:59:30 AM
waad ku mahadsantihiin wll talada wanagsan iyo fahfahinta aad iga siisen thanks all