Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirahman mahamed on November 11, 2018, 06:55:10 PM

Title: Su'aal: Kaadi ayaa iqabata xiliga aan u tagayo xaaska?
Post by: Abdirahman mahamed on November 11, 2018, 06:55:10 PM
asc doctors waxaan rabaa in layga caawiyo suaashaan waxaan guursaday gabadh mudo dhow gabadhu waa fircooni aad loo tolay labo jeer ayaan isku dayey inaan ugalmoodo balse waxaan LA kulmay dhibaayoyinka awood waan leeyahay balse meesha oo aad utolay waxaan isku arkay kaadi inay iqabanayso marka aan howsha Ku dhex jiro markaan suuliga tago oon soo kaadiyo awoodii guska way idaciifaysaa inyar hadaan joogo oo uusoo kaco hadana kaadi ayaan dareemayaa tankale doctor biyo igama imaanayaan hadii gabadha doctor lafuro waxaan ka cabsoonayaa sidaan ookalebiyo LA aan inay igu dhacdo xalkeedu maxuu yahay
Title: Re: Su'aal: Kaadi ayaa iqabata xiliga aan u tagayo xaaska?
Post by: SomaliDoc on March 23, 2019, 08:24:31 PM
Kaadida oo ku qabanayso markaad xubinta meel ciriiri ah ku cadaadiso waa arrin ka dhalanaysa cadaadis ibta saarmayo taasoo maskaxda u fahmayso in cadaadiskaasi uu sabab u yahay kaadiheysta oo buuxda, sidoo kale in shahwada kaa soo bixi wayso markii xubinta ceejisan tahay ama cadaadis xoog leh saaran yahay waa arrin suuragal ah, markaasne shahwada dib ayay u laabataa oo kaadiheysta ayay aadaa, waxaana arintaas loo yaqaanaa "Retrograde Ejaculation", marka taladaydu waa in xaaskaaga u geysid dhaktharad haweenka ah si tolmada gudniinka loo furo haddii cilladdu iyadu tahay iyo inay wax kale jiraan. Caafimaad baan idiin rajaynayaa.