Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dujama on January 09, 2017, 06:03:34 PM

Title: Su'aal: Galmada afka iyo HIV?
Post by: Dujama on January 09, 2017, 06:03:34 PM
Dr aad baan kuu salaamayaa
Salaan kadib haddii aan suasha ugudbo waxaa weeye Haddii ninku haweenayda lasameeyo Oral sexy haweentuna qabto xanuunka HIV ga Afkeedana uu ku biyo baxa isla markaa afkeedana uu dhiig ka imaado xiliga biyo baxa uusana isticmaalin wax difaaca sida Condom ilaa halis intee le'eg buu ku qaadi karaa halista xanuunkaas
kolay waa sual dadkoo dhan anfacaysa wacyigelina kujirto
Title: Re: Su'aal: Galmada afka iyo HIV?
Post by: SomaliDoc on April 16, 2017, 07:26:14 PM
Galmada afka waa lagu kala qaadaa cudurka HIV-ga, waxyaabaha badiyo jaaniska in cudurka laga qaado galmada afka waxaa ka mid ah hadduu qofka afka nabro ku leeyahay, xubinta ay nabar leedahay, ciridka uu dhiigayo ama qofka horay u qabay cudur kale oo galmada lagu kala qaado.

Aqoon u yeelo cudurka HIV-ga iyo siyaabaha loo kala qaado, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0)