Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qays on August 02, 2011, 11:02:31 PM

Title: Su'aal: Management of digoxin toxicity.
Post by: Qays on August 02, 2011, 11:02:31 PM
 asc waxaa mahad leh allah ina oomay khaaliqa koonkan ah waxaa kaloo mahad le walaala dakhaariirta somaliye ee isku hoolay in ay umadooda u faa ideeyan waxna la qabtaa intaa kadib walaalayaal waxaan rabay in aan wax ka ogaado saameenta iyo daaweyna uu leeyahay digoxin toxicity iyo sigh an sybtomeska uu leeyahay..
waana mahad san tihiin
jawaab wacan....
Title: Re: Su'aal: Management of digoxin toxicity.
Post by: SomaliDoc on August 09, 2011, 12:03:39 AM
Digoxin waa daawo loo qaato wadnaha in ay ka caawiso xagga garaacista iyo sare u qaadista shaqadiisa, waxaa la siiyaa dadka qaba cudurka hawlgabka ama gariirka wadnaha.

Daawadu waa daawo si sahlan loogu sumoobi karo haddii aanan loo qaadan sida dhakhtar uu kuugu qoray.

Calaamadaha lagu garto markuu qofka ku sumoobo waxaa ka mid ah: wadna garaac la dareemo, ilbiriqsiyo uu qofka miirka ka tago, naqaska oo ku dhago, isku-dhex yaac, wareer iyo diidis, madax xanuun, xanuun korka ah, aragga oo caad fuulo, iftiinka oo ku dhibo, lalabo iyo matag, calool xanuun iyo gariir waxay dhacaan marar dhif ah.

Midda kale oo muhiimka ah oo ay keeni karto waxaa ka mid ah in wadnaha garaaciisa uu isku dhex yaaco oo gariir siyaado ah sameeyo.

Waxyaabaha keeno in lagu sumoobi daawadaan oo aan ahayn in qadar badan la qaato waxaa ka mid ah: shaqada kilyaha oo yaraato taasoo daawada jirka ka saari wayso, qofka uu fuuqbaxo, isku dhex yaac macdanta jirka, iyadoo lala qaato daawooyin kale oo la falgalo. heerka bootaasiyamka jirka oo yaraado wuxuu keenaa in heerka daawadaan ay badato.

Dadka qaba cudurka howlgabka qanjirka toroodhka waxay u nugulyihiin in ay ku sumoobaan daawadaan.

Ku sumoobidda daawada digoxin waxaa lagula tacaali karaa isbitaal kaliya maxaa yeelay qofka wuxuu u baahanyahay in qalab oksajiin siiyo lagu xiro, lana kontoroolo shaqada wadnaha lana siiyo daawooyin loogu tala galay in lagula tacaalo ka soo kabsashada sumoobiddaan.

Qofka ku sumoobay daawadaan haddii aanan sida ugu dhakhsiyaha badan loo daaweyn wuxuu halis ugu jiraa in wadnaha gariirkiisa uu siyaado kadibna tartaro amaba istaago.
Title: Re: Su'aal: Management of digoxin toxicity.
Post by: Qays on August 22, 2011, 10:08:20 PM
 asc waxaa mahad oo dhan iska leh allah khaaliqa koonkan ah.... ilaah ka sokow waxaa mahad balaaran iska leh dhakhaatiirta somaliyed e isku hoowlay caawinta walaalahood somalida ah iyo ardayda dhigata jaamacadaha ee barata caafimaadka jacelna inay wax ka kororsadaan walaalahood somaliyed ee dhakhtarada ah.. inaa kadib waxaan aad u fahmay dawada loo yaqaano dicoxin oo loo isticmaalo wadnaha. sidaas daraateed waad ku mahadsan tihiin fahanka aad i fahansiiseen...asc