Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on May 30, 2011, 11:13:56 PM

Title: Su'aal: Xannuun caloosha ah dhanka bidix?
Post by: Gantaal on May 30, 2011, 11:13:56 PM
Walaala yaal marka hore waan idin salaamay marka labaadna waad mahad santihiin intaa ka dib su aashaydu waa sidan walaal waxaan dareemayaa xannuun  aan bad nayn oo iga haya dhanka bidix ee caloosha ilaa iyo meesha feedhuhu iska qabtaan  inta badan waxaan ka dareemaa inta udhaxaysa kalida iyo xudunta  waana xanuun khafiif ah  dhanka midig wax xanuun ah malaha mar baan dhakhtar utagay wuxuuna yiri waa maskal baan marka walaal  talo iga siiya  aad baad umahadsantihiin  
Title: Re: Su. Aal xannuun caloosha ah dhanka bidix
Post by: Shenamic on May 31, 2011, 12:26:42 AM
Xanuunka Caloosha ee dhanka bidix inta badanaa waxaa uu ku dhacaa Dumarka iyo Caruurta, Waxyaabo aad u tiro badan oo keena. Waxaana kugula talin in aad dhaqtar Booqo Maadama xanuunka ay keeni karaanin waxyaabo farabadan, siddaas awgeed ay adag tahay in qofka lagula taliyo webkaan dushiiso daawo khaas ah in uu qaato ama sharaxaad looga bixiyo!

Ugu damayntii: Booqo Dhaqtarka kuugu dhow!