Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdalle111 on June 19, 2017, 06:56:51 PM

Title: SU'AAL: WAA MAXAY TB CLOSE?
Post by: Abdalle111 on June 19, 2017, 06:56:51 PM
ASC DR waxaa ihaya xanuun lagarannwaayey ciladiisa mudo ilaa 3bil waxaa ixanuunaya garabka salkiisa neeftu way idhibaysaa marmarka qaar naaska hoostiisa ilaa garabka salkiisa ayaaa waran igaga istaagayaa marka aan neefsado.
Maxad xanuun said ah, Awood daro jidhkoo dhan ah haba u badnaato gacmaha iyo lugaha.
Laab xanuun aad moodo in wadne garaac la socdo iyo gariir ama dhufasho gacmaha iyo gaha ah sidii la dhufanayo oo kale ah.
Dhidid  habeenkii wuu jiraa lkn ma badna runtii..

Markaaa xanuunkaasi ma noqon karaa TB CLOSE ?
TB CLOSE TUSE XANUUN JIRA MA TAHAY?
Mahadsanid DR
RAMADAN MUBARAK...
Title: Re: SU'AAL: WAA MAXAY TB CLOSE?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2018, 06:18:05 PM
TB Close ama Tb-da xiran waa tiibishada aan la kala qaadin ama faafin, tusaale ahaan midda sambabada ku dhacdo, bukaanka markuu qufaco waa laga qaadi karaa laakiin midda ku dhacdo qanjirrada ama lafdhabarta ama meelo kalaba lama kala qaado, taasi ayaa la dhahaa "TB Close".

Midda kale qaabka laguu hayo waxyaabo badan ayaa keeni kara maahan kaliya wax TB u khaas ah, qaab neerfo xanuunkaaga wuu u egyahay, qaab wadne xanuun wuu eg yahay, qaab infekshan feeraha wuu u eg yahay taasoo tiibisho ama wax kale ay noqon karaan, marka waxaad u baahan tahay waraysi, wiisitey iyo baaritaan si loo kala sooco xanuunkaaga, kadibne daawada ugu haboon laguu qoro.

Fadlan ku dadaal inaad la xiriirtid dhakhtar cudurrada guud ku takhassusay.