Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cafiifi on July 14, 2011, 09:48:30 PM

Title: Su'aal: DHIIGA CAD AYAA IGU YAR MAXAA SABABA?
Post by: Cafiifi on July 14, 2011, 09:48:30 PM
ASC  WALAAL SALAANTAA ISLAAMKA   KADIB   SU, AASHAYDU  WAXA  WEEYE DHIIGA  CAD AYAA   IGU  YAR MAXAA  SABABA    MAXAA SE LAGU DAWAYN KARAA  DHAKHAATIIR BADAN OO AAN U TAGAY   WAXAY  UGU DHAHEEN DHIIGAAGA  CAD AYAA   YAR  WAX  SABABAYANA  MAGARANAYNO   WADAN WAXAAN JOOGAA  AAN DADKA  AJAANIBKA  AH LOO HAGAR BIXIN
Title: Re: Su'aal: DHIIGA CAD AYAA IGU YAR MAXAA SABABA?
Post by: SomaliDoc on July 19, 2011, 07:02:13 PM
Cudurrada qaar yareeya dhiigga cad waxay kaloo saameeyaan unguyada dhiigga kale sida unugyada dhiigga cascas iyo unugyada xinjiroobista ee ma noo sheegi kartaa tirada ay unugyadaas noqdeen iyo midka dhiigga cad isagene, si loo fahmo xanuunkaaga?
Title: Jawaab gaaban White blood cell?
Post by: Dr Abshir Dheere on August 06, 2011, 01:25:06 PM
White blood cell?, Ama unugyada dhigga cad "Leucocyte" si loo ogaada sababta keentay in ay hoos udhac ku yiyimid difaacada, waxaa loo baahanyahay in aad sheegto baarista nuuca aad sameeysay, ama hadii kale oo uu hadda ka hor kugu dhacay cagaarshoow "Hepatitis" waxyaaba fara badan ayaa keeni kara difaaca oo yaraada, sida daawooyinka qaar Sirolimus ?Mycophenolate Mofetil ?Tacrolimus? iyo Cyclosporine.
Dhaqter kaada gaarka ah iidir ku dheh baaritaankaan AST, ALT iyo GGT Transaminases Enzymes, hadii aad ok ka tahay waxaa laga yaaba inaad ka mid tahay dadka lagu tilmaamo in ay dagaan badda cas.