Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on October 20, 2016, 03:04:41 PM

Title: Su'aal: Waxaa I xanuunaayo beerka ama boga?
Post by: Ashom on October 20, 2016, 03:04:41 PM
Waxaa I xanuunaayo beerka ama boga  meesha feeraha ku kala laabtaan agteeda
Cabaaar hadaan joogo waxaa u maleeysaa in beerkeeyga ama boga ee qof gacanta ku heeyso Oo ee majuujineeyso wax Yar waa Ka fuqee markale waa LA qabanaa

Hadaa jiifto Oo cabaar jiifo ee Soo fadhiisto waa daacdaa

Beer Ka waxaa u maleeysaa in Oo biyo ku dhex jiro asoo bararan

Waxaa moodaa in aan nuuxsigiisa dareemaayo ama ruxasho  .lugta hadaa jug dhulka kusiiyo ama aan caloosha ruxo ama riixo waa I xanuunaa

Hadaa gaajsanahay iyo hadaa dhergo waa isku mid sanadkiina halmar ayaa dareemaa ama labo
Title: Re: Su'aal: Waxaa I xanuunaayo beerka ama boga?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 07:03:51 PM
Bog xanuunka waxaa keeni karo dhowr shay oo ay ka mid tahay Cudurka Gaaska, Cillad dhinaca xameetida, Cillada ganaca ama Cillad mindhicirrada ah.
Uma badno beer xanuunka in la dareemo astaamahaas.
Daawo video aan kaga hadalnay cudurka Gaaska oo ay dhici karto in aad qabtid:
https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU)
Title: Re: Su'aal: Waxaa I xanuunaayo beerka ama boga?
Post by: Ashom on November 18, 2016, 07:23:41 PM
Hada Ka hor ayaa harati iiga dhacday beer Ka
MLa ogaan karaa in dhaawac jiro

Mudo 4 sano ah Ka hor iiga dhadhacday
Title: Re: Su'aal: Waxaa I xanuunaayo beerka ama boga?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2016, 11:30:39 AM
Jug kaliya haday ahayd oo jab ama dillaac aanan la socon lama arki karo hadda, muddo dheer ayaa ka soo wareegatay.