Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 07, 2016, 06:28:01 PM

Title: Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)
Post by: SomaliDoc on April 07, 2016, 06:28:01 PM
(http://somalidoc.com/Topics/maggi.png)

Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.
Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.
Akhriso Halista Yaanyo Shiishiidka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)
Post by: Gantaal on April 10, 2016, 08:17:29 PM
DR aadbaan umahad santahay  jaana soolti  bal iyadana wax nooga sheeg aadbaa loo isticmaalaaye  jiza kalahu khayr