Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 19, 2015, 11:21:17 AM

Title: Su'aal: mar mar waxaa igu kaca xasaasiyad?
Post by: Ibnu muhammad on September 19, 2015, 11:21:17 AM
Bacda salaan mar mar waxaa igu kaca xasaasiyad kuna eg dhudhumaha lugaha (jilbaha laga bilaabo ilaa anqawyada laga gaaro) waan xoqi way guduudan way madoobaan waa cuncun iyo xanuun isku jira. Marmarna wuu iska tagaa. Marna waa soo laabtaa. Maxaa sababi karo ayaa la dhihi karaa? Shukran.
Title: Re: Su'aal: mar mar waxaa igu kaca xasaasiyad?
Post by: Ayanleh on September 19, 2015, 09:25:40 PM
walal waxad u bahantahay inaad baadhid waxyabaha kugu kiciya xasaasiyada adigoo marka ay kugu kacdo dib ufirinaya cuntooyinkii aad cuntahay maalmahii u dambeeyey  sid akalulnka , beedka , digaga , hilibka idaha , inkastoo dadku ku kala duwanyihiin waxyabaha ku kiciyana hadana cuntoyinkasa uGu badan ,
maxaad se ku garatay inuu waxan xasaasiyad yahay ?
Title: Re: Su'aal: mar mar waxaa igu kaca xasaasiyad?
Post by: SomaliDoc on September 22, 2015, 01:14:43 PM
Waxaa dhici karta in xasaasiyad kaliya ay tahay oo aad wax dhibsatay, waxaa dhici karto in xanuun maqaar uu yahay oo loo yaqaano Eczema oo badanaa u badan meesha aad ka cabanayso.
Fadlan la xiriir dhakhtar si loo fiiriyo meesha aad ka cabanaysid.