Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aliyare144 on May 23, 2015, 02:57:05 AM

Title: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha oo qabow noqdo?
Post by: Aliyare144 on May 23, 2015, 02:57:05 AM
ASc. waan idin salamay marka hore Dr dhamaantiin.
su'aasheyda waxey tahay maxaa sababa gacmaha qeybtooda hore oo qabow saa'id ah aad ka dareemtid. iyadoo jirka intiisa kale oo caadi ah?
waad mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha oo qabow noqdo?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2015, 04:32:27 PM
Gacmaha qeybtooda hore maxaa ula jeeddaa? Calaacalaha ama Sacabada miyaa ka wadaa?
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha oo qabow noqdo?
Post by: Aliyare144 on June 06, 2015, 03:08:22 AM
Haa waxaan ula jeeda Calaacasha, oo qabow badan qofku ka dareemo xili jirkisa intiisa kale ay caadi tahay?
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha oo qabow noqdo?
Post by: SomaliDoc on June 10, 2015, 12:40:59 AM
Haddii dhibaato kale aadan qabin oo gacmaha oo qabow noqdo kaliya ay tahay, way sahlan tahay dhib weynne ma ahan, dadka qaarne maqaarkooda calaacalaha iyo midka cagta way ka jilicsan yihiin dadka kale oo uma dul qaadan karaan qabow yar.
Midda kale haddii aad tahay dadka badanaa cadaadiskooda dhiigga uu hooseyso ama uu dhaco waxay leeyihiin gacmo qabow.
Dadka calaacalaha badanaa ka dhidido iyagane waxay ka sheegtaan gacmo qabow.

Marka waxba haka walwalin insha'llah.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha oo qabow noqdo?
Post by: Aliyare144 on June 15, 2015, 02:40:01 AM
Aad u mahadsantihiin dhamaantiin Dhaqatirta iyo shaqada aad shacabka somaliyed u heysan.