Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xasan Hussein on March 13, 2017, 07:29:47 AM
-
asc. aad ayaad u mahad santihiin . su'aasheyda 1 aad maxey ku kala duwan yihiin shahwada caadiga ah iyo mida timaada marka qofku hurdo ama riyadda ku timaada shahwada riyada ku timaada ma tahay mida caadiga ah mase wax ayey ku kala duwan yihiin shahwada qofka marka ow gal moonaayo .
-
Ragga wuxuu alle ku abuuray qanjirro la kala yiraahdo "Cowper's gland, Prostrate gland iyo Seminal vesicles"
Labada hore waxay soo daayaan qoyaan aan la socon xawada ama "sperm-ka" wax bacrimiya, laakiin qanjirka u dambeeyo ee "Seminal vesicles" oo ah laba qanjir oo yaryar waxay soo daayaa shahwada xambaarsan xawada "Sperms".
Haddii qofka uu riyoodo, kacsina la socdo, biyo-baxu waa kii dabiiciga ahaa oo shahwo ayaa la socoto "Sperms", laakiin hadduusan kacsi la socon, waxaa yimaada qoyaan aan shahwo lahayn oo ay soo daayaan labada qanjir ee hore "Cowpers' & Prostate", qoyaankaas waa midka khafiifka ah ee raggu isku arkaan markuu dareen galo.